Yoolnews.com
Xeeladaha Musuq-maasuq ee Gudoomiye Farxaan u Jebiyey Amarkii Madaxweynaha ee Isku Bedelka Agaasimayaasha Maamulka iyo Lacagta..Q. 4aad.
May 17, 2020 - Written by Yool News
Hargeysa(Yool)- Qormadan waxa aynu ku eegi doonnaa qayb ka mid ah dulmiga iyo dala’siga ay Agaasimaha Lacagta iyo Maamulka ee Haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Amaal Cabdiraxmaan Axmed ku hayso shaqaalaha haayadda, ee uu ku daawanayo Guddoomiye Farxaan Aadan Haybe.
Mid ka mid ah shaqaalaha ayaa Guddoomiyaha u tegay, markaas ayaa uu ku yidhi “mudane cadaawadda loo qabo gabadhan shaqaalaha dhibtay yaanay adiga shaqadaada kaa galaafane iska beddel oo sifaha sharciga ah ku beddal oo cadaalad daradda iska daa”. Ninkii waxa uu ka mid yahay raga dibadda ka jooga Hay’adda Shaqaalaha ee shaqada laga hakiyay. 
Waxa uuna yidhi Guddoomiye Farxaan, “anigu gabadhaas aniga ayaa wata, waa gabadh isticmaasha awooddeeda, waa gabadh gacanta fudud xagga farxiyadda, shaqaalahana cunahay haysaa, Sidaas darteed ma jirto sabab aan u beddlo. Ninkii iyadda ku socdaana waa nin aniga igu socda”.
Agaasimahan awoodda badan ee la garan laayahay waxa loo beddeli waayay oo ay degree-tadii Madaxwaynaha uga hadhay ayaa ah caagle ka shaqaysa laba Hay’addad oo. Waa Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Hay’adda Diwaanka ururka ama xisbiyada Qaranka.
Iyadaa ayaa diyaarisa voucher-kasta oo ka baxaya miisaaniyadda Hay’adda ururrada Qaranka ama xisbiyada. Agaasinta Hay’addaas iyo Guddoomiyooda ayaa Xarunta Hay’adda shaqaalaha u yimaadda si ay u saxeexaan vouchers-ka lacagta ah. Waliba waraaqaha iyo khadka ay ugu diyaarisana waxa iska leh Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
Somaliland ayaa hirgalisay nidaamka tirinta shaqaalaha dawladda iyadoo la dagaalantay caaglaha ama double payrolled-ka. Laakiin agaasimaha awoodda badan ee Hay’adda Shaqaalaha ayaa iska reebtay oo weli u ah Xisaabiye iyo admin Hay’addaas diwaanka ururadda.
Sidoo kale waxay Xubnaha TMP-ga ah ee loo qaatay Hay’adda shaqaalaha oo loogu talo galay in awoodda shaqaalaha kor loogu qaadaan, kus oo rogtay inay mid kasta ka jarto Lacag $20 ah oo iyada jeebkeeda ku dhaca. Haddii kalena ay diidday oo tidhi “saxeexi maayo mushaarkiinna waayo Lacag badan oo dollar ah ayaad qaadataan anigu halkan waxaan u jooga inaan ka shaqaysto”. 
Shaqaalahaas ayaa isku raacay inay bixiyaan lacagtaas iyagaoo u tudhaya in lagaga noqdo heshiis ay dawladdu kula jiraan una baqaya shaqadooda!Agaasimahan Maamulka ee 26 jirsatay ayaa hoog, halaag iyo leeleel u sababtay shaqaale badan, sidoo kalena hoos u dhigtay sumcaddii Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
Soomaalida ayaa tidhaa “mayd yaa u dambeeyay?!, dee kaa la sii sido”. Maalin dhawayd waxa ay shaqada ka eriday laba dirawal oo Hay’adda Shaqaalaha u wadi jiray gaadiidka kala duwan. Mid wadi jiray landcruiser iyo mid wadi jiray noah-shaqaalaha. Waxay dirawal caagle oo ay inaabti yihiin ka soo kaxaysatay wasaaradda Hawlaha Guud iyada oo ku gunaysa lacagtii laga jaray labadii dirawal ee hore.
Labadii dirawal ee la eryay ayaa hadda xaqsiintooda ka doonaya Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.Intaasi waa qayb ka mid ah dulmiga oo kooban.
Fiiro Gaar ah: labada dirawal ayaa ay u beddshay haybtooda, kaddib markii ay qaniintay ee aragtay iyaga oo taageera Cabdiraxmaan Cirro xiligii doorashada. Mid gaadhiga waxayba ka dhigtay markay sidaas uga urisay Waddani, mid kalena haybtiisa oo ah reerka bariga Burco 
Labada dirawal ee la eryay waxa ay kala yihiin: 
1) Idiris Maxamuud Maxamed
2) Khadar Qorane Iidaan.
Dirawalka caaglaha ee ay inaabtiga yihiin ee ay kasoo wareejisay Hawlaha guud waa Xasan Siciid Jaamac Guuleed.
La soco qaybaha dambe iyo bahda Shabakada Xogreebnews.

COMMENTS
Latest News