Yoolnews.com
Ururka Waddaniga ah ee Vosomwo Iyo Dallada SIHA oo Iskaashanaya, ayaa Agabka ka Hortaga Coronavirus u Qaybiyey Xaafadaha Daami A Iyo Daami B…
May 17, 2020 - Written by Yool News

Hargeysa(Yool)-Ururka Waddaniga ah ee VOSOMWO oo kashanaaya Dalada SIHA Network oo fadhigeedu yahay Dalka Uganda, ayaa u qaybiyey dadweynaha ku dhaqan Xaafada Daami ee Magaalada Hargaysa agabka lagaga Gaashaanto Sadhada Coronavirus oo faro-ba’an ku haya Dunida.
Ururka Vosomwo waxa uu agabkan badbaada Coronavirus u qaybiyey laba qaybood oo kala ah Daami A iyo Daami B. Xafadahaas oo ay daganyihiin dad Barakacayaal ah iyo kuwo u nugul xanuunada. Qalabkan oo ay iska kaashadeen Vosomwo iyo SIHA, ayaa ka koobnaa Gloveska gacmaha lagu xidho iyo Face Maska sanka iyo Afka lagu Daboolo iyo weliba boodhadh waaweyn oo lagu daabacay fariimaha caafimaad ee looga taxaderayo Xanuunka Coronavirus.
Sidoo kale, Ururadani waxay dadweynaha kaga wacyigeliyeen hab faafka Sadhada Coronavirus iyo khatarka uu leeyahay Boodhadh lagu daabacay fariimo loogu Sheegayo Bulshada habka looga taxadero iyo weliba fariimo Caafimaad oo ah Qaabka keliya ee looga gaadhaanto in la kala foggaado, la Joojiyo gacan Qaadka tooska ah, Isla markaana Afka iyo gacmaha la daboosho.
Ururka Vosomwo oo Kaashanaya isbahaysiga Ururada Bariga Africa ee SIHA Network, waxay bilaabeen Barnaamij sal Balaadhan oo dadka lagaga wacyigelinayo xanuunka Coronavirus, gaar ahaan dadka u sii nugul ee dumarka iyo hablaha, waayeel iyo dadka duurafaha gaarka ah qaba sida xanuunada daciifiya diffaaca jidhka ee degan xaafadaha kacayaasha Magaalada Hargaysa.
Barnaamijka Wacyigelinta ee ay Maanta wada-bilaabeen Ururka Waddaniga ah ee Vosomwo iyo dallada SIHA, waxa uu socon doonaa bilaha soo socda, waxanay qaybtani noqon doontaa bilowga Barnaamijkan Bulshada lagaga badbaadinaayo aafada Coronavirus.
Nuxurka Barnaamijka ayaa ahaa in Bulshada la Baro khatarka uu cudurkani leeyahay iyo weliba Qaabka looga taxadero, maadaama oo sadhadani tahay mid safmar ah, isla markaana si dhakhso ah ku faafta, taasoo saacado gudahood ku gudbaysa boqolaal qof.
Kulanada noocan ah,ayaa ah kuwo Bulshada ku bararujinaya khatarka uu leeyahay Xanuunka Coronavirus oo aad moodo in aanay Bulshada ka qabin sas, isla markaana aan ku bararugsanayn inuu yahay dilaa Safmar ah.
Dadweynaha Xaafadaha Daami A iyo Daami B, ee Deeqdan la gaadhsiiyey ayaa si weyn uga mahadceliyey Wacyigelinta iyo agabka la siiyey.

COMMENTS
Latest News