Yoolnews.com
Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti oo Shacab-weynaha Somaliland ku Hambalyey Xuska 18-ka May Iyo sanaad guurada 29aad…
May 17, 2020 - Written by Yool News

Jabuuti(Yool)- Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed ayaa Hambalyo u diray Shaqaalaha Safaarada Somaliland ee Jabuuti, Ciidamada Qaranka ee kala duwan iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, golayaasha Qaranka iyo Xisbiyada dalka oo u ku Hambalyey xuska maalinta qaran ee 18ka May sanaad guurada 29aad ee dib ula soo noqoshada qaranimada Somaliland.
Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed waxa u Ilahay uga baryey umadda Somaliland inuu ku guuleeyo Himiladood, isla markaana sanaadkan sanaadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo.
Sidoo kale, Safiir Cabdifatax Siciid Axmed waxa u Ilahay uga baryey Shacab-weynaha Somaliland iyo muslimiinta iyo weliba aduunka inuu rabbi ka kor qaado aafada xanuun ee samaysay Coronavirus.
Guntii iyo gebo-gebadii waxa uu ugu hambalyey Ciid Wanaagsan shacabweynaha Somaliland meel kastoo ay joogaan, waxanu ugu baaqay inay u midoobaan qaranimada Somaliland, Ciid wanaagsan dal iyo dibadba ku ciida.

COMMENTS
Latest News