Yoolnews.com
Drs. Adna Aadan Ismaaciil oo Bogaadisay Guulaha Diblumaasiyadeed ee u Gaadhsiiyey Safaarada Jabuuti Amb. Cabdifatax Siciid Axmed…
May 14, 2020 - Written by Yool News

Hargeysa(Yool)- Drs. Adna Aadan Ismaaciil oo ah, Haweenay ku Xeel-dheer arrimaha Caafimaadka iyo Diblumaasiyad, ayaa Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Amb. Ku amaantay Guulaha Diblumaasiyadeed ee u gaadhsiiyey Safaarada Somaliland ee Jabuuti.
Drs. Adna Aadan Ismaaciil, waxa ay sheegtay in ay isbedel dhinacyo kala duwan kusoo aragtay Xafiiska Safaarada Somaliland ee Jabuuti, iyadoo hore uga war haysay Xaalada safaaradu ku sugnayd, waxa ay sheegtay in Safiir Cabdifatax Siciid Axmed gaadhsiiyey meeqaam Safaaradeed oo rasmiya mudadii u hayey xilka.
Drs. Adna Aadan Ismaaciil sidaasna waxa ay ku sheegtay mar ay booqatay Safaarada Somaliland ee Jabuuti, iyadoo Arrimaha ka hadlaysa waxa ay tidhi.
“Runtii waxaan Maanta arkay, waxaan aad ugu Farxo, waxaan soo booqday Safaarada ama Xafiiska xidhiidhiyaha ee Somaliland ku leedahay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, hore dhowr jeer ayaan u immi xafiiskan, isbedel weynbaan ku arkay, isbedelkaasi maha qalabka la Bedelay oo keliya, Laakin isbedelku wuxuu ku yimi hannaanka Diblumaasiyadeed ee aan maanta Halkan ku arkay, xidhiidhka Saaxibtimo ee labada dal, gaar ahaan dalka martida loo yahay iyo ixtiraamka loo hayo (Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti) ee soo kordhay ayaan ku faraxsanay, xidhiidhka dawladaha dalkan safaaradaha ku leh ee safiir Cabdifatax la sameeyey xidhiidhka ayaan ku faraxsanay.
Waxaan ku leeyahay Cabdifataxow Hooyo Ilahay hakula Qabto sharaftii lagaa filaayey ayaad u Yeeshay xafiiskan safaarada Somaliland ee Jabuuti Alle hakaa abaalmariyo, Umadda Somaliland waxaan u sheegayaa inuu metelo qof masuul ahi, safaaradooda Jabuuti”. Ayey tidhi Marwo Adna Aadan Ismaaciil.

 

COMMENTS
Latest News