Yoolnews.com
Dacawaa laga hayey Wallee reer aan ogahay Ma Guuro… Xiisada Bariga Berbera iyo Doorka Wasiir Maxamed Kaahin.Bye Cali Xuseen Warsame
April 21, 2020 - Written by Yool News

Waxaynu ka war haynaa, dagaalo iyo xaalad abuuro siyaasadeed oo muddadii Maxed kaahin ahaa wasiirka arrimaha Gudaha si is daba jooga wadanka meelo kala duwan dhacaayey, marka mid la bakhtiiyaba qori kale oo hulaaqaya meel la sudhayo, dhacdooyinkani waxay noqdeen kuwo caan ka noqday wadanka gudihiisa, kaaga sii darane markasta wasiirka arrimaha Gudaha loola tago ashkato amaba loo geeyo dhacdo u baahan in wax laga qabto, waxa uu wasiirku si Masuuliyada ka baxsan ula saftaa reerkiisa, haddii ay gar-daran yihiin iyo haddii kaleba, cid kasta oo arrin ula tagtaa waxay kala garan waayaan ,inay u tageen wasiirkii arrimaha Gudaha iyo inay caaqil habarjeclo ah u galeen nin waliba isagoo dhegiba jaan leeg tahay ayuu ka soo baxa, gudoomiyihii hore gobolka saaxil wuxuu ku bedelay dhacdadii bahdoon, isagoo wasiirku aan kaba xishoonayn sheegashada inuu reerkiisa la safan yahay, Maanta waxaa taagan arrinta Ceel gardi oo somaliland ka wada dheregsan tahay waxa ka dhacay, in ragna ku dhinteen, ragna ku xidh-xidhan yahay deegaankaasi uu qaraar dawladeed oo adagi ka yaalo, wasiirka arrimaha Guduhu waxaa uu si badheedha u hawl-geliyo in reerkiisu dagaameeyo oo dhisto, maamulkii dawlada ee gobolka iyo degmadana inay wax ka qabtaan wuu ka horjoogsaday, waxayna iminka u dhaw dahay in dabkaasi mar labaad u baxo.
Kolkay sidaa tahay nin baa laga hayey inan hooyadeed xumaynayso sidee laga yeelayaaye, Mar hadii wasiirkii arrimaha Guduhu noqday Nin qori dab leh la wareegaya oo kolba meel sudhaya, sow noqon mayso in reer waliba reer kale timaha isa sudhaan, Madaxweyne kaama qarsoona dhibaatada uu wasiirka arrimaha Gudahu wadanka wado, waxa aad u eeganayso Somaliland oo dhami way is waydiinaysa, Haddii aanad wadankan dan ka lahayn, miyaanad madaxweynenimadaada aanad xitaa dan ka lahayn , Xaaladu waxay taagan tahay Dacawadii intay reerkii yeelaha ka cuntay tidhi wallee reer aan ogahay ma guuro, wasiirka arrimaha guduhu waa madaxweynaha arrimaha Gudaha haddii isagii dabka shidaayo sidee loo degayaa.
Waxaan hadalkayga kusoo koobayaa, haddii aad madaxweyne Maxed Kaahin rabto inaad u abaal Celiso, si kale ugu abaal celi intaanuu dadka isku dhamaynin, wabilaahi tawfiiq.
Cali Xuseen Warsame
Berbera/ Somaliland.

COMMENTS
Latest News