Yoolnews.com
“Markabka marka la Rogo, Lama saarayo Koontiinaradii faaruqa ahaa, Ilaayo la Xali-naayo arimaha Xisabaadka Lagu Leeyahay”. Mareeyaha Dekeda Eng. Siciid Xasan Cabdilahi.
April 13, 2020 - Written by Yool News

Berbera(Xogreeb)-Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa Amarku Bixiyey in laga Rogo Markabka mudo 12 Maalmood ahaa ku Xayirnaa Haabada Dekeda Berbera, kaasoo loo haysto Kharashaadkii loogu shaqayn-jiray.
Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa u Amarku bixiyey in Markabka PIL oo sida 890, Koontiinar laga rogo Badeecada, isla markaana aan la saarin Kooniiradii Faaruqa ahaa, isagoo weli kusii xayirnaan doonaa duleedka Dekeda Berbera.
Maareeyaha Dekeda Berbera Siciid Xasan Cabdilahi oo ugu horayn faahfaahin ka bixinaya asbaabaha Keenay in la xayiro iyo rogista uu hada amray waxa uu yidh, “Runtii muddo, ayaan lasoo xidhin Markabka ‘PIL’ sababo la xidhiidha kharashaadkii loogu shaqeeyey oo lagu yeeshay, sidaas awgeed, weli Daymuhii iyo kharashaadkii lagama hayo.
Hase-yeeshee anagoo tixgelinaynaa ahmiyada weyn ee ay leedahay ganacsatada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxaan go’aansaday in markabkaas lasoo xidho, Badeecada u sidana laga rogo, uu Ankareejka ku xayirnaado Markabku intaa uu bixinaayo daynta laga rabo.
Guud ahaan waxa Dekedaha maamusha Haayada Dekedaha Somaliland, Dp World na waxay maamushaa qaybta rogista iyo Dejinta, Maamulka guud ee Dekeda waxa ka masuul ah Somaliland, Lacagta Dekeda loo qabtaana meelbay ku Wada-dhacaan, ama ha noqoto qaybta Dp World ama ha noqoto qaybta Somaliland marines, Lacagtaasi waa lacag dekedu leedahay qaybaheeda kala duwan.
Sidaas daraadeed mudadii uu Markabku Bada tagnaa waxa loo sheegay in aan loo shaqayn-doonin, ilaa uu bixiyo Lacagtii hore, waanay oggaayeen Shirkada PIl-na way ka dhago-adaygeen, waxanay Markabka ku sheegtay in loo haysto arimo Caafimaad, taasina waxay khaladku Keentay dadkii ganacsatada ah.
Hadaba anagoo ka duulaynaa’ una danaynaa ganacsatada reer Somaliland, maadaama oo u sido Markabkani agabkii Bisha Ramadaan loogu talo-galay waxay Haayada Dekedaha Somaliland iyo Wasaarada ganacsiga iyo weliba rugta ganacsiga, in Markabkaas lasoo xidho lagana Rogo alaabta, waxanaanu Markabkaas oo xidhnay Xalay 12 habeenimo, waana la roggayaa waanay cashuuran doonan Macaamiishii’.
Markabka marka la Rogo, waxa la saari jiray Koontiinarada faaruqa ah, hada lama Saarayo Koontiinarada Faaruqa ah, ilaayo intaa la xalinayo arimaha ku saabsab xisaabaadka, waxanu u danaynnay umada Somaliland,iyadoo lagu jiro waqti adag”. Ayuu yidhi Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi
Dhinaca kale waxa uu Maareeyuhuu sheegay in laga Joojiyey Dekeda dadkii soo booqan-jiray xafiisyada iyo shaqaalaha, sababo la xidhiidha Xanuunka Coronavirus oo dunida khatar weyn ku noqday, isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi ” anagu Deked ahaan runtii cid kastoo soo gelaysa xumada ayaanu ka tees-garaynaa Alxamdulah weli wax dhiba maanan arag oo leh, calaamadihii Coronavirus. Laakiin waxanu Bulshada ku wacyigelinaa inaan sidii hore loo soo gelin, xaalad caafimaad iyo mid Amni awgeedba, waxanan fursadan uga faaidaysanaya cidi aan alaab ka cashuuranayn ama aan alaab la baxay in aanay kusoo Lug-goiin, Ilahayna ha inaga nabadgeliyo Xanuunka Coronavirus ee dunida faraha ba’an ku haya”.

COMMENTS
Latest News