Yoolnews.com
Xoghaye Dawlad hoose Oo Olloole Qarsoon ugu Jira Sidii Maxamud Xaashi u Noqon Lahaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye?.W/Q. Cabdi Cali Xirsi
April 12, 2020 - Written by Yool News

Xoghayaha dawlada hoose Berbera Cabdikariin Aadan Cadde, oo dhowaan Shir Albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay xubno isugu jira dhalinyaro, waxgaraadka Beeshiisa kasoo jeeda, ayaa kulankaas kusoo hadal-qaaday loolanka u dhexeeya Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maxamuud Xaashi ee Wareejinta Xisbiga Kulmiye iyo sidoo kale ka gar leh Maxamed Kaahin iyo Maxamuud Xaashi.
Kulankan ayuu Xoghaye Cabdikariin ka hadlay saameynta Beeleed ee Beeshiisu ku leedahay Gobolka Saaxil, waxa kaloo u sharaxay inuu u darsaday xoghayihii hore ee Gobolka Saaxil oo ay isku Beel ahaayeen, isla markaana Danaha Beesha ka wada-shaqayn jireen.
Waxa’se uu ka dardaar-weriyey xoghayaha cusub ee Beeshiisa ah ee dhowaan lasoo Magacaabay ee Gobolka Saaxil oo ku Tilmaamay Nin Bulshaawiya oo aan danaha Beesha ku wanaagsanayn, isla markaana aan wax badan ka fahamsanayn hindisayaasha Siyaasadeed ee Beesha iyo weliba doonista Beesha ee Gudoomiyenimada Kulmiye’ waxanu ku eedeyey inuu la safanyahay Wasiir Maxamed Kaahin oo dumaciisa Xisbigu aanu bislayn.
Waxa kaloo uu Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde odayaasha iyo dhalinyarada u la kulmay u sheegay in danaha ugu weyn ee Kursiga ku hayaa ay tahay laalush joogta ah oo u ku bixiyo Kursiga uu fadhiyo’ kaasoo uu siiyo Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin, arrinkaasoo Isaga ku ah caqabad dhaqaale maadaama oo u badan yahay Lacagta Billaha ah ee Wasiir Maxamed Kaahin ka qaato.
Xoghaye Cabdikariin waxa farta ku fiiqay in ay suurto-gal tahay inuu Xisbiga Kulmiye aanu Madaxweynuhu isku soo sharaxin ama ogolaado in la isla soo sharaxo’ hadii ay taasi dhacdana waxa suurogal ah in kursiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye kusoo laaban karo gacanta Beesha, waxa uu si cad ugu sharaxay asbaabo saamaxaya inuu Maxamuud Xaashi noqon karo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, isagoo intaa badan ku siffeeyey inuu yahay qof dhaqaale u hurayaa, sidoo kalena aftahan ah.
Waxa’se u Maxamed Kaahin ku siffeeyey Nin Askariya,isla markaana aan waxba ka duwananayn kan hada jooga waa Madaxweyne Muuse Biixi ye. Waxa kaloo ku xushay Maxamud Xaashi inuu yahay shaqsiga qaban-doonaa Xakamaha Gudoomiyaha Kulmiye, inuu garanaayo dariiqooyinkii u kusoo ridanayey xilkaas’ oo aanay dhulka uga dhacayn. La soco qaybaha dambe
W/Q.
Cabdi Cali Xirsi
Cabdiali45@gmail.com
Berbera/Somaliland

COMMENTS
Latest News