Yoolnews.com
DAAWO;-Banaan Bax Ka Dhacay Dalka Jabuuti Iyo Waxyaabaha Lagaga Soo Horjeeday!
April 4, 2020 - Written by Yool News

JABUUTI(Yool)-Qaarkamid Dadwaynaha Reer Jabuuti Ee Ku Dhaqan Magaalooyinka Dalka Qaar ayaa Bilaabay Isku soo baxyo ay ku diidan yihiin Amarada xukuumada uu hogaamiyo madaxwayne geele oo mudooyinkii udanbeeyay ay jireen kacdoono lagu diidan yahay oo isa soo taraya.

 

Dadwaynaha ayaa ku dhawaaqayay waan diidnay kadib markii xukuumada dalka jabuuti kusoo rogtay aramo culus lagana joojiyay raashinkii.

Iyadoo dhawaan ay ciidamada dalka jabuuti ka goosteen saraakiil kala duwani iyo sarkaal ciidanka cirka ka goostay oo shacabka reer jabuuti usoo diray fariin dareenkooda kicisay

Dadwaynaha isku soo baxay ee dalka jabuuti ayaa dareenkoodu ku muuinaya sida ay xukuumada uga soo horjeedaan wallow aanay si caam ah usamayn karin mudo haraado lagu diidan yahay xukuumada ,

Dhan kale Shacabka reer jabuuti Ee diidan xukunka madaxwayne geele oo ay ku eedeeyanayaan in ay xukuumadiisii noqotay digtaytor ayaa shacabkooda ku gubaabinaya in ay ku dayday reer Somaliland iyo sidii ay halgan u galeen ee ay talada kaga tureen dawladii siyaad bare kuna guulaysteen dalkooda in ay ka xoreeyeen.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA ISKU SOO BAXA SHACABKA REER JABUUTI ;

COMMENTS
Latest News