Yoolnews.com
Somaliland Oo Xaqiijisay Kiisaskii Ugu Horeeyey Ee Xanuunka Covid 19 In Laga Helay Laba qof.
March 31, 2020 - Written by Yool News

Hargeysa(Yool)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horraysay Xaqiijisay in kiiskii ugu horeeyey ee Xanuunka karoona fayras lagga hellay laba qof, kuwaas oo ku kale sugan magaalooyinka Berbera iyo Buco ,sidda ay hadda sheegaan Guddida somaliland u qaabilsan Ka Hor-tagga Karoona Fayras.
Docda kalena waxa la sheegay in labadan qof uu midkood yahay Jayniis,halka qof kalena uu yahay muwaadin reer somaliland ah oo haysta dhalashada dalka ingriiska.

“Waxa aanu xaqiijinaynaa in Labadii qof ee ugu horreeyey Jamhuuriyadda Somaliland laga helay Cudurka Coronavirus (Covid-19) ka dib baadhitaan lagu sameeyey 3 qof oo looga shakiyay cudurka.
Labadani qof ayaa kala ah muwaadin reer Somaliland ah oo haysta dhalashada dalka Ingiriiska kaasi oo ku sugan magaaladda Burco iyo Muwaadin ajaanib ah oo u dhashay waddanka China kaas oo ku sugan Magaalada Berbera.
Labada qofba Xaaladdoodu way degantahay Immika , Waxaana si dhaw ula socda Hay’adaha Caafimaadka qaranka iyo Guddida Qaran ee ka hortagga iyo u diyaargarowga Covid-19.
Shacbiga waxaan ugu baaqaynaa inay raacaan Tilmaamaha iyo Wacyigelinta Guddida.

COMMENTS
Latest News