Yoolnews.com
Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid oo ay wehelinayaan Maareeye ku Xigeenkiisa iyo shaqaale-weynaha Dekeda Berbera, oo Saaka Oloolle nadaafadeed oo Balaadhan ka fuliyey Gudaha Dekeda iyo Nawaaxigeeda…
March 30, 2020 - Written by Yool News
Berbera(Yool- Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, oo ay wehelinayaan Maareeye ku xigeenkiisa iyo shaqaale-weynaha Dekeda Berbera, ayaa saaka oloolle nadaafadeed oo balaadhan ka fuliyey gudaha Dekeda iyo nawaaxigeeda.
Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi oo ay Wehelinayaan hawlwadeenadiisu, ayaa goobaha ay qashinka ka gureen ku buufiyeen sunta disha Fayraska iyo balteeriyada, isla markaana oloolle xoogan ugu jira ka hor-taga Coronavirus, maadaama oo ay Dekeddu tahay meel xasaasiya, oo kamid ah Marinada laga soo galo Somaliland, sidoo kalena ah goob ay Bulshada usoo maraan qutal-daruuriga iyo qaybaha maceeshada ee kala duwan. 
Sidaas daraadeed waxay Maamulka Dekeda Berbera kor u qaadeen nadaafada iyagoo taxader dheeraada ugu jira karintiimaynta cidi Dekeda kasoo degaysa, sida hawladeenada maarkiibta iyo doonyaha, waxa kaloo ku sugan Dekeda qayb kamid ah hawlwadeenada wasaarada caafimaadka, kuwasoo ay is-garabsanayaan hawladeenada iyo Maamulka Dekeda Berbera.
Oloollahan ayaa qayb ka ah, ka hor-taga iyo la dagaalanka cudurka dunida kala xidhay ee Coronavirus, kaasoo ay Xukuumadda Somaliland taxader dheeraada ka muujisay, Isla markaana Haayadaha dawladu ku jiraan heegan-buuxa kuwasoo kor u qaaday nadaafadooda, si looga taxadero Xanuunka Coronaviruska, oo hada soo gaadhay Wadamo ay Dalka Somaliland deris yihiin, kuwasoo ay kamid yihiin Jabuuti, Itoobiya iyo Somaliya.

COMMENTS
Latest News