Yoolnews.com
Siyaasiyiin, Iyo Aqoonyahan Reer Awdal Ah Oo Wasiir Kaahin Ka Dalbaday Arimo Xasaasiya Oo La Xidhiidha Maamulka Degmada Wajaale Iyo Xogaha Laga Helayo!
March 12, 2020 - Written by Yool News

HARGAYSA(yool,) Xubno Uu Horkacayo Wasiirka Ganacsiga Iyo Warshadaha jsl, Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Iyo Xildhibaan Dhawaan kamid noqday Golaha Wakiilada Jsl ayaa la sheegay in ay maanta kulan xasaasiya la yeesheen Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed Kaasi Oo Qaatay Wakhti Dheer,Iyadoo kulankan saxaafada aan loo Ogolayn, Halka  labada dhinacna ee kulmayna aanay kasoo bixin wax faah faahin ah oo la xidhiidha ujeedada kulankooda.

Wararka laga helayo kulan ay wasiirka arimaha gudaha la yeesheen Wasiirka Ganacsiga Saajin, Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Saleeban Cabdi Guleed iyo xildhibaan Xasan Xuseen Codyare ayaa sheegay in Ujeedadiisu ahayd Dalab ay xubnaha reer awdal  wasiirka arimaha gudaha  kula tageen oo ahaa in xukuumadu siiso saamigii ay ku leeyihiin ka  beel ahaan maamulka degmada tog wajaale ee gobolka gabiley.

Sidoo kale xogaha kasoo baxay kulanka wasiir kaahin iyo siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Gobolka Awdal ayaa xusay in Dalabka masuuliyiinta uu wasiirka arimaha guduha ka goys Adayga isagoo Usheegay in ay reer awdal ahaan wax xil ah ka helay maamulka degmada tog wajaale isagoo doodiisa ku sobobeeyay in degmada wajaale ay lamid tahay degmada Dilla Islamarkaana Xilalkeeda loo magacaabayo hadba beelaha deegaanka wada dega.

Dhanka kale xubanahan ku hadlayay afka gobolka awdal ayaa ku dooday in ay beel ahaan degan yihiin magaalada wajaale iyo deegaanada ku xeeran sidaa darteedna ay doonaya in uu wasiirku siiyo Xilka xoghayaha Degmada Tog wajaale ama  Gudoomiye kuxigeenka, balse wasiirka arimaha gudaha uu gabi ahaanba ka diiday dalabka wasiirka iyo aqoonyahanka reer awdal  kuwaasi oo kulankoodii uu kusoo dhamaaday mid natiijo la,aan ah iyo  waji gabax ay kala kulmeen wasiirka.

Hadaba Damaca siyaasiyiinta iyo aqoonyahan reer awdal ee doonista xilalka ugu sareeya maamulka  degmada Tog wajaale ayaa noqotay mid ay bulshada gobolka gabiley gaar ahaan Magaalada Tog Wajaale ay  siwayn uhadal hayaan, Iyadoo doodadaha shacabka ee la xidhiidha arintani noqotay  mid ay iswaydiino badan abuurtay ayna ka dhasheen  su,aalo kala duwan oo la xidhiidha damaca siyaasiyiinta reer awdal iyo waxyaabaha keenay in xiligan ay ku raadinayaan saami beelaysa magaalada wajaale xili deegaanada ay beelaha reer awdal  degaan ee ku dhow dhow degmada wajaale ay cashuurta beerahooda ku bixiyaan degmada dilla, tusaale ahaan deegaanka garba haaray oo sedex killo mitir ujirta wajaale ay reer ahaan cashuurta ugu bixiyaan degmada dilla oo masaafo fog ujirta halka deegaanka magaalo cadna ay sidan oo kale cashuurta ku waajibtay reer ahaan awdal ula doontaan.

Sikastabaha ka ahaatee doonista siyaasiyiinta reer awdal ee maamulka wajaale ayaa umuuqda  damac iyo dhul balaadhinsi raadin oo ay hormuud ka yihiin wasiir saajin iyo Prof saleebaan kaasi oo  umuuqa mid abuuri karta khilaaf hor leh oo si deegaanaysan iskaga hor keeni kara beelaha walaalaha ee gobolada gabiley iyo awdal oo hore ay udhexmareen xurgufo deegaan kuwaasi oo  ay bulshada ku kala fogeeyeen siyaasiyiin deno gaara ka lahaa, halka wakhtigana ay dhaq dhaqaaqa xubnaha aynu kor kusoo sheegnay wadaan  uu u eeg yahay mid bulshada xiisad  siyasadeed ka dhex abuuri kara.

Waxyaabaha Xusida mudan ee sida  gaarka ah bulshada reer wajaale isku waydiinaysa kamid ah tan iyo intii uu soo ifbaxay kulankani, ayaa waxaa ugu xiiso badnaa sobobta gudoomiyaha jaamacada camuud uga dhex muuqdo xiisadan iyo xidhiidhka ka dhexeeya dhaq dhaqaaqyada Camuud foundation ka fuliyaan deegaano gabiley hoos yimaada oo wakhtigan abuuray dareeno hoosta ka xidhiidhsan oo salka ku haya dhul balaadhsi halka xildhibaan Xasan Xuseen Codyare oo dhawaan golaha wakiilada kusoo biiray ay xusid mudan tahay jabhadii lagaga dhawaaqay dilla ee 48 saacadood lagu soo xero galiyay uu hormuud ka ahaa xildhibaan Xasan Walalkii kuwaasi oo maalintii ay jabhada shaaciyeen ay sheegeen in  ay raadinayaan saamigii ay ku lahaayeen mashruuca banka wajaale iyo maamulkeeda taasi oo iyana noqotay in xildhibaanku isna fulinayo doonista jabhadii cawaale.

COMMENTS
Latest News