Yoolnews.com
Jaaliyadda Somaliland ee Canada oo xadhiidhkii Wada-shaqayneed u jartay Shabakada Hadhwanaag Iyo Siro Daaha-ka Fayday Dhaqaale Dawlada Farmaajo ku Siiso la Dagaalanka Madaxbanaanida S/land….
February 15, 2020 - Written by Yool News

Ottawa-(Yool)- Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Dalka Canada, gaar ahaan caasimada Ottawa, ayaa Xadhiidhkii Wada-shaqayneed u jartay Shabakada Hadhwanaagnews, oo muddooyinkii u dambeeyey dagaal kula jirtay madaxbanaanida qaranimada Somaliland, tan iyo intii Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Xayiraad kusoo rogtay inaanay ka shaqayn Karin gudaha Somaliland Shabakadaasi.
Jaaliyaddu waxay gabi-ahaanba ay joojisay in wax wada-shaqayn ah, la yeelato Shabakadaas, isla markaana waxa laga horjoogsaday inay hawlwadeenadeedu waxka duuban, sidoo kalena ka qaybgalaan munaasibadaha u gaarka ah jaaliyada Somaliland ee ka dhacaya dalka Canada.
Jaaliyada ayaa arimaha la xidhiidhiyey inay Shabakada Hadhwanaag la safatay cadowga Somaliland, Isla markaana safka hore ka gashay Warbaahinta dawlada Farmaajo ku laalushto dacaayadaha ka dhanka ah Somaliland, tan iyo mudadii ka Dambaysay markii Maxkamada Somaliland amartay in la Xayiro khadka Enternetk ee shabakadaasi isticmaasho.
Raysal wasaare ku xigeenka Somaliya Mahdi Guuleed iyo mulkiilaha shabakada Hadhwanaagnews, waxay heshiisku gaadheen in dhaqaale joogto ah dawlada Somaliya siiso shabakadaas, iyagguna baahiyaan maqaalo iyo warar lidku ah madaxbanaanida Somaliland, waxa kaloo Jaaliyaddu sheegtay inuu Milkiilaha Shabakadaasi ka waantoobi waayey waanooyin badan oo ay ka siiyeen inuu dacaayada lafjabka ah ka daayo qarinamada Somaliland.

COMMENTS
Latest News