Yoolnews.com
Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Kulamo Kala Duwan La Qaatay Madaxda Africa..
February 10, 2020 - Written by Yool News

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Itoobiya Abiy Axmed ayaa Magaalada Addis Abab waxaa uu ku qaabiley qaar kamid ah madaxda ka qeyb-galeys shirka madaxda midowga Afrika ee 33aad ee ka socda dalkaas.

Madaxda uu la kulmey ayaa waxaa kamid ah Madaxweynayaasha dalalka,,marooko,koonfurta Suudaan,aljeeriya iyo Gini,iyaga oo ka wada hadlay sidii loosii xoojin lahaa ilaaqaadka kala dhexeeya itoobiya.

Dr Abiy Axmad ayaa sigaar ah waxaa uu dalka aljeeriya uga mahad celiyay dadaalkii ay ku bixiyeen ee heshiisiinta eritrea iyo ethiopia oo muddoo ka badan 20 Sano uu dagaal dhex marayay.

1

Madaxda uu la kulmey Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa ay sheegeen inay xoojin doonaan xiriirka ay la leeyihiin Itoobiya,isla markaana kaalin weyn ay ka qaadan doonaan nabadeynta Gobolka.

2
3

COMMENTS
Latest News