Yoolnews.com
Fadeexad Diblumaasiyadeed: Safiir ku xigeenka Somaliland u fadhiya Addis-sababa oo Khalkhalgeliyey Saraakiishii Baratakoolka Madaxweyne Muuse Biixi ku qaabishay Madaarka Boli…
February 10, 2020 - Written by Yool News

Addis-sababa(Xogreebnews)-Safiirku xigeenka dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland Barkhad Maxamed Kaariye, ayaa khalkhal geliyey madaxdii Baratakoolka ee shalay gegida Diyaaradaha ee Boli kusoo dhoweynaysay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Bixii Cabdi, oo halkaa kaga qaybgelaayey shirkii Madaxda Africa.Kadib markii Safiir ku xigeenku qaab ka aradan diblumaasiyada dhabarka u taabtay sarkaalkii qaabilsanaa baratakoolka iyo soo Dhoweyn Madaxweynaha Somaliland, taasina waxay sababtay in shaki iyo khalkhal galo saraakiishii amniga ee halkaa ku sugnaa, sida idinka muuqata sawiirka hoose.Hab-dhaqanka noocan ah, ayaa tilmamaya khibrad la’anta diblumaasiyadeed ee safiir xigeenka, iyo weliba aqoon yaridiisa.

COMMENTS
Latest News