Yoolnews.com
Iscasilaada Xubinta Komishanka Muranku Ka Taagnaa, Malaga Yaabbaa In Madaxweyne Muuse Biixi Ay Kawada Socdaan Si Komishanka Loo furfuro?…
February 4, 2020 - Written by Yool News

Xasan Yuusuf Ducaale,oo ah Xubintii Xisbiga Ucid ee hore uga mid noqdey Lixda Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka wakhtigan lagu muransan yahey, ayaa galinkii Dambe ee Maanta Warbaahinta ku shaaciyay  in uu iska casiley xubinta kamid ahaanshaha Xubnahaasi Komishanka isagoo ku sababeeyay Qoddobo muhiim ah oo ay hordhac u yihiin, dadka boqolaal iyo boqolaalka muwaadiniinta ah ee ka dhursugayay mudada Tobanka Sanadood ku dhaw in ay badellaan Xubnaha Golaha Wakiilada ee xiligan, oo ay Doorashada ku tartamaan,ee u xaniban muranka Komishanka.

Haddaba markii Mudane Xasan Yuusuf Ducaale ku dhawaaqey istiqaaladiisa Xubnaha Komishankii uu hogaaminayay, Cabdirashiid Riyo-raac oo inta ugu baddan ee Rayul-caamka Somaliland ku saluugeen, qaabkii loo soo dhigay meel marintooda, iyo sidii ay isku doorteen oo aan midna lamid aheyn sidii awal hore lagu xuli jirrey Xubnaha Komishanka,Golahana lagaga ansixin jirey.

Inkastoo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo marar baddan ka hadley muranka u dhexeeya Xisbiyada Mucaaridka ah ee qadiyada Komishankan lagu muransanaa, Waxa ay shacbigu fahmi waayeen, sababta aanu (Madaxweynuhu), u fulinaynin heshiisyadda la isla qaato, iyadoo maalmihii u dambeeyay uu kusoo qaatey, khudbadaha uu ka jeedinayay Munaasibadaha uu ka qeyb gallo isagoo ku celcelinya in Sharciga loo cuskanayo, wixii khuseeya muranka Komishanka walow khudbadiisii u dambeysay ee uu ka jeediyay, Munaasibadii Ciidamada Qaranka markii uu mawduucan ka hadlayay loo fahmey in uu ku qalbi ilaalinayo meel culus oo cunaha iskaga duubtey in aan laga noqon karin qaabkii loo meel mariyay Komishankan oo Golayaasha laf-ahaantooda muddo kordhin loo dhaafsadey ansixintoodii degdega aheyd, Waxa ay dad badani hadalhayaan in iscasilaada Xubintan ay suurtagal tahey in Madaxweyne Muuse Biixi qeyb ka yahey.

Geesta kale, Gudoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo maalmihii u dambeeyay Warbaahintu baahisey in laga soo sheegay in uu iska casilayo Xilkaas, ayaa isagu af-gobaadsi Warbaahinta kaga jawaab celiyay in aanu arintaasi waxba ka ogeyn haseyeeshee, sida ay dad badani tuhunsan yihiin, Saleebaan Maxamuud Aadan(Gudoomiyaha Guurtidu), waxa uu ku fara adeygay in aan waxba laga badelin qaabkii loo soo dhigay Xubnaha Komishankan lagu muransan yahey islamarkaana, uu ka dareen celiyay in aanu aqbaleynin in Madaxweyne Muuse Biixi ku tanaasulo, dhexdhexaadintii Duqeyda,Culimada, iyo Ganacsatada Waxaanay wararka ka ag dhawi tibaaxayaan, in aanu Gudoomiye Saleebaan kasoo qeyb galin Munaasibadii Sanad-guurada Ciidanka Qaranka oo Shir-Gudoonka Wakiiladu joogey isaga laf ahaantiisuna aanu ka maqnaan jirin Xaflada noocoda ah taas oo Tusaale u noqoneysa in maalmihii u dambeeyay Madaxweynuhu ka baqe qabey halka uu iska taagey, Gudoomiyaha Guurtidu Arinta Komishanka.

Xisbiyada Mucaaridka ah gaar ahaana Xisbiga Waddani ayey halxidhaale ku tahey haddii lasoo celiyo Xubnihii Komishankii hore, maadaama ay Wakhtigan laba Darran mid dooro ku miciin bideen Komishankii ay labadda Sano wax ka tabanayeen.

COMMENTS
Latest News