Yoolnews.com
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Toronto Shucayb Cabdilahi Xuseen, oo Go”aan Geesinimo leh ku Tilmaamay iscasilaadii u Koomishanka lagu Muransan yahay kaga Baxay Xasan Yuusuf Ducaale, Boggaadiyeyna Xuska aas-aaska Ciidamada Qaranka….
February 4, 2020 - Written by Yool News

Toronto(Yool)-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Toronto Shucayb Cabdilahi Xuseen, ayaa go”aan geesinimo leh ku tilmaamay iscasilaadii u Sameeyey Xasan Yuusuf Ducaale,oo ah Xubintii Xisbiga Ucid ee hore uga mid noqdey Lixda Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka wakhtigan lagu muransan yahay.Gudoomiye Shucayb Cabdilahi Xuseen waxa kaloo uu si Kal iyo laaba u Hambalyeey Xuska Maalinta qiimaha leh ee shalay ay u dabaal-degeen Sannad-guurada 26-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska Ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. sidaasna waxa uu ku sheegay Gudoomiye Shucayb Mar uu khadka telefoonka ugu waramaayey Shabakada wararka ee Xogreebnews, isagoo si kooban uga hadlaya arrimahaa waxa uu yidhi.”Waxaan Doonayaa inaan laba qodob oo farxadooda leh Halkan ka boggaadiyo, midi waa xuska Sannad-guurada 26-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska Ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. waana maalin farxadeeda leh, oo ku suntan seeskii qaranimo ee Somaliland, maadaama oo ay tiirka koobaad ee dawladnimo ay yihiin Ciidamaddu, waxan leeyahay farxad ku waara Ciidamada iyo xaasaskooda iyo weliba caruurtoodda, Ilahay na ha idinka abaal-Marino amniga aad ka shaqaysan habeen iyo Maalin.waxa kaloo, aan doonayaa inaan boggaadiyo iscasilaadii Saaxibkay Xasan Yuusuf Ducaale, kaga baxay Komishankii lagu muransanaa, isla markaana loo la”aa,  dariiq Shari oo lagu kala diro, Xasan waxa uu badbaadiyey Dimuquraadiyadii Somaliland, waxanu ku dhaqaaqay talaabo geesinimo leh, waxanan rajaynayaa inay saaxiibadiisi horena ku dayan doonaan, oo fudaydin doonaan habsami u socodka doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaanka”. ayuu yidhi Gudoomiye Shucayb Cabdilahi Xuseen.

COMMENTS
Latest News