Yoolnews.com
XOG Culus;-Dawlada Jabuuti Oo Somaliya Ogolaansho Uga Soo Qaadatay Xadhkaha Internetka Qaada Oo Ay Berbera Keenayso!.
January 20, 2020 - Written by Yool News

Jabuuti (Yool)-Dawlada Jabuuti Ayaa Daah furtay Adeega Internetka Bada Hoosteeda la mariyo kaasi oo isku xidhi doona jabuuti,Somaliland ,somaliya iyo Kenya.

Qorshaha xadhkaha internet Ee Ururka DARE 1 oo jabuuti leedahay hindisihiisa ayaa dawlada jabuuti ku sheegay in ay xadhkaha internetka qaada ay gayn doono magaalo xeebeedka berbera ee jamhuuriyada Somaliland iyadoo aanay jirin door ay ku leedahay xukuumada Somaliland iyo shirkadaha isgaadhsiintuba,

Jabuuti ayaa leh saamiga 89% ee internet la hoos mariyo biyaha badda kaasi oo qorsheheedu yahay sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd ganacsiga guud ahaan gayiga somalida.

Xogaha laga helayo Qorshaha Dhaqaale Raadin ee jabuuti ayaa sheegaya in ogolaashaha ay xadhkaha internetka Ay ku keenayso berbera kasoo Qaadatay maamulka madaxwayne Farmaajo ee aan xukumin  dhulka Somaliland taasi oo ay si badheedha iskaga indho tirtay jiritaanka jamhuuriyada Somaliland iyadoo ka door biday maamulka somaliya ee ay iyadu gacanta wayn ku leedahay,

Sidoo kale xogaha kasoo baxaya Qorshaha dawlada jabuuti Wadato ee uu hogaamiyo Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele ayaa tibaaxay in ay ku hawlan tahay sidii ay danaha dhaqaale raadis ee ay wadato food saare uga dhigay lahayd shirkad reer Somaliland ah Oo Aan Iyadu saami Buuran ku lahayd Mashruuca DARE 1 Ee Ay Jabuuti leedahay hindisihiisa, Halka ay Somaliya ka adeegsanayso Shirkado isgaadhsiineed oo Magac Uyaal ah.

Dhanka kale Dawlada jabuuti ayaa hore umeel marisay qorshe biyaha bada cas ee Somaliland ay ku matalayso somaliya kaasi oo ururka bada cas ay xubin ka tahay maamulka somaliya ee aan xukumin biyaha badda Cas Gabi Ahaanba.

Dawlada jabuuti ayaa wakhtigii xukuumadii Siyaad Bare sii dhacaysay ka sexeexatay in ay somaliya ku matasho ururka bada cas oo inka badan 30sano ay ku lahayd laba cod. halka Wakhtigana ay usoo cumaamaday maamulka madaxwayne farmaajo oo iyagu ergay gaar umagacaabay maamulka biyaha bada cas xili xukuumada Madaxwayne biixi Aanay bulshada reer Somaliland si cad ugu soo bandhigin mawqifka ay taagan tahay qorshaha lagula wareegayo sheegashada xubinnimada golaha iskaashiga bada cas, oo dhawaan shir ugu soo gabo gaboobay magaalad riyaad ee boqortooyada sucuudi arabiya

Xukuumada Somaliland ayaan mawqif cad wali ka istaagin qorshaha dalka jabuuti ku doonayo in uu internetka bad mara ku keento magaalada berbera oo ogolaanshihiisan ay kasoo qaadatay somaliya,

Ujeedada ay dawlada jabuuti ka leedahay arintan ayaa ah  sidii ay ucuryaamin lahayd shirkadaha reer Somaliland ee isgaadhsiinta ka shaqeeya, Iyadoo  duulaan ku  ganacsatada jamhuuriyada Somaliland oo mudooyinkii udanbeeyay dalka ka hirgaliyay adeega Viper opticga  oo ay maalgalin balaadhan galiyeen sidii aysomaliland uheli lahayd internet xawaarihiisu sareeyo.

Halka wararka kale ee aanu ka helayo doonista jabuuti ee keenista xadhkaha internet bada berber  ay diideen shirkadaha ugu waawayn Somaliland ee TELESOM IYO SOMCABLE.

COMMENTS
Latest News