Yoolnews.com
Congreska Maraykanka Oo Xadiday Awooda Madaxweyne Trump U Leeyahay inuu Weeraro Iran…
January 11, 2020 - Written by Yool News

Congreska Mareykanka ayaa u codeeyay qaraar lagu xadidayo awoodda milateri ee Madaxwyene Trump uu u leeyahay in uu dagaal ku qaado Iran xili xiisad culus ay ka dhex taagan tahay labada dal.

Inta badan xildhibaanada congreska ayaa qaraarkan isku raacay, inkastoo aan wali loo gudbin aqalka sare oo ay ku badan yihiin xisbiga Jamhuuriga ee Madaxweyne Trump uu ka tirsan yahay.

Tallaabadan ayaa looga dan leeyahay sidii uu Madaxweyne Trump congreska ugu soo wargelin lahaa tallaaba walba oo milateri oo ka dhan ah Iran, waxaase laga reebay hadii Iran ay weerar kuso qaado Mareykanka, taasoo uu Madaxweynaha xaq u leeyahay in uu iclaamiyo dagaal.

Dalalka Mareykanka iyo Iran ma aanay shaacinin dagaal milateri oo dhexmara, inkastoo Iran ay sheegtay in weerarkii dhawaan ay ku qaaday saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq uu bilaw u ahaa tallaabooyin milateri oo ay damacsan tahay.

Congreska Mareykanka ayaa cuskaday xeerkii awoodaha dagaalka ee sanadkii 1973, kaasoo aqalka awood u siinaya in ay eegaan awoodda u madaxweynaha uu u leeyahay inuu dagaal iclaamiyo balse, waxaa wali taagan su’aalo la xiriiro dhanka sharciyadda, taas oo ah in kongreska uu cuskan karo qododbkaas.

COMMENTS
Latest News