Yoolnews.com
Laamaha Kulmiye Ee Sweden iyo Jarmalka oo ka badheedhay Taageeradooda Siyaasiga Dumaasha Xisbiga Doonaya Maxamuud Xaashi, una Qabtay soo dhoweyn iyo Xaflado sooryeyn ah… Sawiiro iyo Cadeymo aanu ka helnaa masuuliyiinta lamahaas…
December 27, 2019 - Written by Yool News

Sweden (Yool)-Siyaasi Maxamuud Xaashi oo Oloolle gacanku rimis ah ugu jira dumaasha gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye sanaadka 2020-ka, ayaa soo dhoweyn lama filaana kala kulmay laamaha Jarmalka iyo Sweden ee Xisbiga Kulmiye, kuwasoo masuuliyiintoodu si aan kala hadh lahayn u qaabileen musharax Maxamuud Xaashi, una qabteen munaasibado soo dhoweyn iyo sooryeyn isugu jira.laamaha Xisbiga Kulmiye ee dalalka Jarmalka iyo Sweden, ayaa qayb ka noqday khilaafka huursan ee labada garab u kala qaybiyey Xisbiga taalada haya ee Kulmiye, kaddib markii ay dhinicii dibad wareega ahaa la safteen.Shabakada Xogreebnews waxay akhristayaasheeda usoo gudbinaysaa, sawiiro muujinaya la saffashada siyaasiga dibad wareega ah ee doonaya dumaasha Kulmiye Maxamuud Xaashi oo Gudoomiyaha laanta Sweden ee Xisbiga Kulmiye Fuu”and Kaamil iyo gudoomiye ku xigeenkiisi iyo xoghayihii laantaasi si badheedha ula safteen, isla markaana uu qabteen xaflado waaweyn, iyadoo mudooyinkii u daambeeyey uu Tuke Baal cad Xisbiga Kulmiye ka dhex noqonaayey cida Xisbiga ka Tirsan ee taageerta iska daa kuwa soo dhoweyn iyo Oloolle ku saacada”e.si kastaba ahaatee hoggaanka Xisbiga Kulmiye, ayaa hadii aanu talaabo cad ka qaadin laamaha Xisbigooda ee qaybta ka noqday khilaafka Kulmiye waxa iyagguna ku dhiiran doonaa laamo kale. la soco xogo kale.

COMMENTS
Latest News