Yoolnews.com
Wasiirka Caafimaadka oo Kormeer ku gaala-Bixiyey Mashariicda JPLG…
December 16, 2019 - Written by Yool News

*بسم الله الرحمن الرحيم                      ———————– 
*Wasiirka Wasaarada Horumarinta Cafimaadka Somaliland Ayaa Maalmihii U
Dambeeyay Kormeer Ku Marayay Degmooyinka Kamid Ah Kuwa Mashaariicda JPLG-gu
Ka Socdaan.*
Barnaamijka JPLG-ga Ee Xafiiska Madaxwayne Kuxigeenka hoos-taga ayaa ah mid
kamida mashaariicda ugu balaadhan dalka qiimaha ugu badan ku baxo.
Mashruucan oo mahmiyadiisa koowaad ay tahay hirgalinta nidaamka Maamul
Daaddejinta (Decentralisation) Iyo Horumarinta deegaanka.
Barnaamijka Join Programme Local Government (JPLG) ayaa waxa Maalgalintiisa
*(Donated)* iska kaashadeen Hay’adaha Caalamiga ah Ee; *UN Habitat, ILO,
iyo UNCDF, USAID Iyo UNICEF*….
(*The United Nations Joint Programme on Local Governance is implemented by
five UN agencies – the United Nations Capital Development Fund (UNCDF), the
United Nations Development Programme (UNDP), UN-Habitat, UNICEF and the
International Labour Organisation (ILO). The programme is supported by
funding from Denmark, the European Union, Norway, Switzerland, Sweden,
USAID, the United Kingdom, and the UN Peacebuilding Fund)*. Kaasoo ay
fulintiisa *(Implementation)-**kiisa ay gacanta ku hayaan Dawladaha Hoose*
ee Barnaamijka Kasocdo ayaa ah mid waxtar badan uleh bulshada. Kaasoo
waxqabadka mashaariicdu salka ku hayaan sidii loo horumarin lahaa baahiyaha
aas’aasiga ah ee bulshada ka yiimaada. Maadamo micnaha ama ujeedada
barnaamijkan tahay hirgalinta nidaamka maamul daadejinta oo mashaariicdu
yihiin baahiyo kayimi ama kusalaysan rabitaanka Bulshada Heer Tuulo, Heer
Degmo, Heer Gobol ilaa Heer Qaran. Si Mashruuca la qabanaya qiimo ugu
yeesho deegaankasi oo meeahii Cusbitalka u baahnayd aan wax kale looga
fulin oo loo eego kala mudnaanta baahiyaha deegaan.
Sidaadarteed, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Oo Kaalin
Muhiim ah kula Barnaamijka JPLG-ga ayaa qayb ka ah sidii wax looga qaban
lahaa baahiyaha deegaan dalka
Run ahaantii baahida ugu wayn ee Bulsho ayaa ah mid caafimaad. Haday tahay;
Xaaruun, Agab, Gaaddiid Iyo Dhakhaatiirba. Maadaamo baahida caafimaad aanay
dhamaan cuduraduna yihiin Kuwo faafa, kuwo fida iyo kuwo soo kordha.
Sidaadarteed ay muhiim tahay joogtaynta deddaalka Caafimaad haday tahay
Dhaqaale iyo haday tahay farsamo.
Sikaste ha ahaate, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Cafimaadka JSL ayaa
Kormeer ku sameeyay degmooyinka Berbera, Sheekh, Burco, Oodwayne, Borama
Iyo Gabiley. Kormeerkan oo ahaa qiimaynta mashaariicdii dhamaanaye *2019*
baxay. Sidookale, Wasiirku wuxu kasoo dhagax-dhiga mashaariicda sanadka
dambe *2020* loo qorsheeyay degmooyinkaasi in laga fuliyo. Kuwaasoo qayb
kanoqon doona bilawga wajiga Sadexaad 3aad ee Barnaamijka  JPLG-ga.
*Kormeerka Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa qayb ka ahaa
Wafti balaadhan oo uu hogaaminayay Madaxwayne Kuxigeenka JSL Mudane
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici kuwaasoo ka koobnaa Wasiirada
Wasaaradaha qaybta ka ah Barnaamijka JPLG ee Xafiiska Madaxwayne Kuxigeenka
JSL. 
Kormeerkan oo sanadkiiba hal mar lagu qiimeeyo waxaqabadka Dawladaha Hoose
ayaa misana ahaa mid lagusoo afmeerayo wajigii Labaad ee Barnaamijka
sidookale lagu gogol xaadhayay wajiga Sadexaad 3aad ee Barnaamijka.
Safarka Ayaa kusoo dhamaaday sidii loogasii horumari lahaa heerka
Degmooyinka Mashruuca JPLG-gu taagan yihiin. Sidookale, loo yeelan lahaa
isla xisaabtan cad ah iyo hufnaanta banyaal-nimo ee Dawladaha Hoose.
𝑿𝒂𝒇𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒅𝒉𝒊𝒊𝒅𝒉𝒌𝒂 𝑫𝒂𝒅𝒘𝒂𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 &
𝑯𝒂𝒚’𝒂𝒅𝒅𝒂𝒉𝒂.
𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒂𝒅𝒅𝒂 𝑯𝒐𝒓𝒖𝒎𝒂𝒓𝒊𝒏𝒕𝒂 𝑪𝒂𝒂𝒇𝒊𝒎𝒂𝒂𝒅𝒌𝒂 𝑱𝑺𝑳.

COMMENTS
Latest News