Yoolnews.com
Maareeyaha Dekedaha Somaliland, Masuul Koobsaday Mucjisooyin Waxqabad!!!!.
December 8, 2019 - Written by Yool News

Maareeyaha Dekedaha Somaliland, Masuul Koobsaday Mucjisooyin Waxqabad!!!!.

Xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland ee u gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi, oo hadda hoggaanka haysay muddo laba sanadood ah, ayaa dalka ka hirgelisay waxqabadyo mug iyo miisaan leh, kuwasoo si weyn u muuqda, isla markaana laga dareemayo gobolada dalka oo dhan, mashaariico iyo tartano dhinaca Waxqabadka ah oo u dhexeeya masuuliyiinta jooga xafiisyada Dawlada.
Hadaba, iyadoo ay gobol walbaa oo Somaliland ah ay ka socdaan mashaariico kala duwan, hadana waxa koobka waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ee laba jirsatay qaaday xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera, oo u ka muuqda isbedel mug weyn iyo waxqabad aan la qiyaasi karin. waxqabadkaasoo ka muuqda dhamaan laamaha Dawlada iyo weliba xafiiskastoo bixiya adeeg dadweyne oo ku yaala Magaalada Berbera.
goobaha sida gaarka ah, waxqabadkoodu kusoo jiidanaayo waxa kamid Dekeda weyn ee Berbera, oo noqotay mid Caalamiya, isla markaana la geliyey tacab weyn, iyadoo Guud ahaan hanaankeeda shaqo noqday mid lamida ka Dekedaha dunida ee horumaray, waxa xuisid mudan in dekeda berbera Ay shaqayso 24 ka saacadoodba habeen iyo maalinb, sidoo kale in Markabka ugu weyni kusoo xidhan karo si fudud, iyo weliba in lagu roggo markab kastaa saacado kooban, halkay awal dhowr maalmood qaadan jirtay in lagu roggo.
Geesta kale, waxa si xawliya u Socotaa Dekedii cusbayd, taasoo wajigeedii koobaad maraayo meel wanaagsan, iyadoo la filayo in sanaadka soo socda ay dhamaato, waxa kaloo labadan sanadood hirgalay in dekeda weyn ee Magaalada Berbera gaar ahaan qaybta faraca Baddu yeelato dhisme casriya oo ka kooban laba dabaq iyo 21 xafiis, waxa kaloo la keenay Dekeda Berbera qalabyo baahi weyn ay u qabtay, kuwasoo aad u tiro badan, waxana aynu ka xusi karnaa Taaga Maraakiibta soo xidha oo heer Caalamiya, kaa soo ay keentay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, oo u Dekedda uga wakiil yahay Maareeyaha, oo runtii ah masuul koobsaday mucjisooyin waxqabad, isla markaana laba Sanadood Dekeda Berbera la tartansiiyey Dekedaha Geeska.
Masuulkaas waxqabadkiisa iyo hanaankiisa masuuliyadeed inta badan wuxu soo jiitay qaybaha bulshada caafimaadka qabtaa ee aragta wanaaga Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, waa Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, oo runtii la yimmi hanaan hoggaamineed oo wadaniyadii ka muuqato iyo dedaalo uu ku horumarinaayo Dekeda Berbera iyo weliba kuwa yaryar ee dalka.
Labadii sanadeed ee u dambeeyey waxa muuqata oo markhaati ma doonaa in Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi dhexda u xidhatay dhismaha iyo dayac-tirka dekedaha Somaliland itaal ay doonaanbaa ha lahadeen’e, waxaana kowka ah, Dekeda weyn ee Berbera oo noqotay mid casriya,
isla markaana u guurtay inay la tartanto dekedaha dhigeeda ah ee geeska, waxa sanaad kadib, insha alla dhamaan doona dhismaha deked cusub oo 400-mt ah, sidoo kale waxa ku sii xigi doonaa dhismaha deked kaloo afar boqol ah, runtii himilooyinkaa hirgelitaankooda waxa qayb-weyn ku lahaa madaxweynaha Somaliland iyo Maareeyihiisa Dekeda oo daacad ka noqday taabo-qaadka mashaaricda lagu horumarinaayo Dekeda Berbera.
Sidoo kale, waxa iyagguna inagu cusub qorshaha Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi doonayso inay ku horumariso Dekedaha yaryar ee dalka, waxana arrintaa markhaati u noqonaya safarkii dhowaan uu Maareeyaha dekeduhu ku tagay  Xeebaha galbeed ee Somaliland, isaggoo safarkiisa kusoo oogaaday xaalada dhabta ah ee ay ku sugan tahay dekeda Saylac, sidoo kalena waxa dekedaas qiimeyn ku soo sameeyey Injineero ku xeel-dheer cilmiga Dekedaha. la soco qaybaha dambe.
waa Bilahi Tawfiiq
Cabdikhalaq Xaamud Cali
Cabdikh41@gmail.com
Berbera/ Somaliland

COMMENTS
Latest News