Yoolnews.com
Aqoonta Shaqaalaha ee la Kobciyey iyo Waxqabadka Balaadhan ee Dekeda Berberi samaysay, Waa Guulo Lama Ilaawana oo ay ku Suntan-yihiiy Madaxweynaha iyo Maareeyuhuu!!!. Qore. Cabdifatax Cali Faarax.
December 2, 2019 - Written by Yool News

Iyadoo ay waajib tahay in masuul kastoo haya xil umadeed, goobta shaqo ee u qaranka uga wakiil yahay inuu ku sameeyo horumar iyo waxqabad balaadhan, isla markaana kasoo baxo shaqadii uu u dirtay madaxweynuhu, ayaa hadana waxa jira masuuliyiin marka la arko, iyagga iyo madaxweynahaba lagu xasuusanaya ama uu maankaaga kusoo dhacayo, waxqabad ay xukuumadu ka samaysay Hayada masuulkaasi qaranka uga wakiil yahay.

Sidaas daraadeed, waxan Maanta Jeclaystay inaan Madaxweynaha Qaranka ugu hambalyeeyo horumarka dhinac walba leh ee ay ku talaabsatay Dekeda weyn ee Magaalada Berbera labadii sannadood ee u dambeeyey, horumarkaa iyo waxqabadka mugga lehna, uu ku amaanan yahay madaxweynaha iyo masuulkiisa Dekeddu, oo runtii la odhan karo waxay horu-socod aan la qiyaasi Karin ku sameeyeen Dekedii, iyagoo dekedii ka dhigay mid caalamiya, isla markaana dhinacyo badan ka koriyey, haday tahay qalab ahaan iyo sidoo kale dad ahaanba iyo weliba dhinacya kaloo badan.

Dhowaan waxan Warbaahinta ka daawanay taarikhda Somaliland markii u horaysay in aqoon-korodh Caalamiya loo sameeyey shaqaalaha ka hawlgalada Dekeda Berbera, gaar ahaan kuwa ay Somaliland maamusho, ee loo qayaano faraca badda.shaqaalahaas waxa la baray Cilmi ay mahadin-doonaan caruurta dhalan doonta iyo bulshadeena hada nool, waxanay Maanta Somaliland leedahay aqoonyahano ku xeel-dheer dhinaca badan, gaar ahaan Gaadiidka sida maraakiibta waaweyn loo soo xidho, iyo weliba sida loo baahi-tiro, looguna shaqeeyo qalabka Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi kuso kordhisay Dekeda sida Taaga casriga ah iyo weliba hananka shaqo ee guud ee dekeda.

Waxyaaba sida weyn aan ugu farxay bulsho badanina igula faraxday waxa kamid ahaa, in Maanta Somaliland, gaar ahaan shaqaalihii dekedu yeeshay Khubuuro la soo baray Taaga sida loogu shaqeeyo, iyo weliba sida looga shaqeeyo,a ama cilad haday timaado looga saaro, sidoo kale, waxa wax lagu farxo ah oo aan ku boggadinayo madaxweynaha iyo Maareeyaha dekeda Somaliland Siciid Xasan Cabdilahi, inay dalka iyo Dekeda Berbera usoo saareen aqoonyahano inagga kaafiyi doona wax badan oo la xidhiidha cilmiga Dekedaha iyo weliba badda, iyadoo aynu wada og nahay in dhaxalka ugu wanaagsan ee umaddii ku horumartaa uu yahay aqoonta, shaqaalaha hawlbowlaha ah oo la horumariyaa, isla markaana la dhiso dadka shaqaalaha ah tacliintooda

Guntii iyo gabo-gabadii waxan ku boggaadinayaa Madaxweynaha iyo Maareeyaha Dekeda Berbera horumarka balaadhan ee ay laba sanadood gudahood kaga dhigeen dekedii Berbera mid caalamiya, waxanan leeyahay Ilahay ayaa idinka abaal-marin doona wax u qabashada dadkiina iyo dalkiina, halkaa kasii wada guul iyo gobanimo, ayaan idin leeyahanay aniga iyo intaa sammaha jecel ee reer Somaliland.

Bilahi Tawfiiq

Cabdifatax Cali Faarax.

Hargeysa/Somaliland.

COMMENTS
Latest News