Yoolnews.com
Bulshada Dhulka Somalida Degta Way Mahadin-doonaan Wax Soo Saarka ay Samaynayso Warshada Daqiiqda ee Boodhari Mills!!!. Warbixin Wariye Cabdicasiis Bashiir Nuur
August 1, 2019 - Written by Yool News

Warshada Daqiiqda Boodhari Mills, waa Warshada ugu weyn ee ku taala dhulka Somalida, isla markaana ugu horaysay ee soo saarta Daqiiqda iyo Baadka Xoolaha nool ee geyiga Somalida.

Warshadan oo ay aas-aaseen ganacsato iyo qurba joog maalgashadayaal ah, kuwasoo ku middeyey Maal iyo maskax firfircoon, waxay ku taala duleedka galbeed ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Magaalada Abaarso. Hadaba waa Maxay Hadafka Shirkada Daqiiqda ee Boodhari, muxus’e yahay qorshayaasha ay damacsan yihiin maalgashadayaasha aas-aasay.

Hadafka Boodhari Mills waa inay wadanka gudihiisa, ka sameeyan wax soo saar, kaasoo ah Cunto iyo calaf, iyo weliba sida waddamada jaarka ee cajiimiya midhaha sareeenka oo laga sameynayo daqiiqda iyo burka.

Sidoo kale, waxay Warshadda Daqiiqda ee Boodhari Mills, hadda si toosa u gudo-gashay, isla markaana wajigiisi koowaad fulisay mashruuc Beeraha, oo ay ku sameeyeen wax soo saar balaadhan, waxanay maalgashi dhul Beeriseed ka sameeyeen deegaano tiro badan, kuwasoo loo xushay sida ay ugu kala haboon yihiin, wax Beerista iyo soo saarka. Deegaanadasi waxay kala yihiin Gabiley, Oodweyne iyo Boorama inta ugu badan, sidoo kale waxay shirkadu ku hawlan yahay in deegaanada Sanaag,ay ka fuliso mashruuca wax soo saarka Beeraha, si Warshadoodu u hesho, wax soo saar buuxa.

Deeganadka Odwayne, waxa uu kamid yahay meelaha ugu haboon, dhulka Somaliland, waxanu ku wanaagsan yahay, Xaga wax Soo saarka sareenka. Shirkaduna waxay ka samaysay maal-galinay Beereed gobolka Daadmareen. Waxa kaloo xusid mudan, Shirkadda wadaniga ah ee Boodhari, hirgelisay 2000 oo acre, oo dhul ah, dhulkaasoo ay shiniyayso, si loo helo wax soo saar tayo sare leh.

Mashruuca Calafka Xoolaha, warshada Daqiiqda iyo burka Xoolaha ee Booshari, waxa kale oo ay soo saarayaan 30 Tan oo, ah buushiga xoolaha la siiyo maalin oo maalin-le ah, iyadoo Sareenku boqolkiiba labaatan 20% uu yahay buushi, waxana halkaa Xoolo dhaqada Somalida ka helayaan Faaido balaadhan, waxa kaloo qorshahaas ku lammaan, Xoolo dhaqatada ama dadka ka ganacsada Geela ,Adhiga, lo’da iyo digaaga waxay helayaan meel si joogta ah ay uga helaan raashinka iyo daryeelka xoolaha.

Waxa xusid mudan, xilliyadan hada la joogo, in dhiibo badani haysato Xoolo-dhaqatada Somalida, kuwasoo ay had iyo goor ku habsadaan abaaro baahsan oo ay kaga leedaan Malaayin Xoolo Somaaliyeed ah, waxanay sabaaban abaarahaasi, inay yaraadaan xoolaha ka dhoofa dhulka Somalida oo dhan, iyadoo ay xooluhu Somalida u yihiin isha koowaad ee dhaqaale ahaan lagu tiirsan yahay.

Marka la is bar-bar dhigo Warshada Daqiiqda soo saaraysaa ee Boodhari iyo tartanka daqiiqda qalaad ee lagu soo waarido, dhulka Soomalida, waxa xaqiiqo ah inay Tayo ahaan ka wanaagsan tahay daqiiqda ay soo saarayso Warshada Boodhari, xaga caaafimaadka, iyadoo la hubo, waqtigay soo baxday, isla markaana aas-aaskeedu yahay wixii Beeraha dalka ka baxay in laga sameeyey.

La soco Qaybaha dambe todobaadka dambe.

Diyaariyee Wariye Cabdicasiis Bashiir Nuur

C.casiis98@hotmail.com

Hargeysa/somaliland .

COMMENTS
Latest News