Yoolnews.com
Deeqdii Muuse Biixi, Dalbashaddii Cirro iyo is-daad raacintii Faysal…Sadex kala darnaa!
July 26, 2019 - Written by Yool News

Hadiyadii shaley ee madaxweyne Biixi iyo hanaanka illaalinta hantida Qaranka ee Madaxweynaha Taansaaniya John Magafuli muxuu madaxweynaheygu ka baran karaa? Qoraalkan yar ee kooban si dareenle iila akhri. Waa madaxweynaha jamhuuriayda tubta horumarka, dawladnimada iyo la-dagaalanka musuqmaasuqa qaadey ee TANZANIA Joon Boombe Magafuuli. Wuxuu soosaaray Oktoober.30.2015 go’aan uu madaxda iyo masuuliyiinta xukuumadiisa kaga mabnuucayo baabuurta raaxadda iyo kuwa shidaalka badan cunna. Madaxda ay ka midka yihiin wasiiradda, safiirada, madaxda garsoorka iyo saraakiisha sarsare ee dawladda in ay xafiiskooda ku yimaadaan baabuurta jaban ee shidaalka yarna ku baxo ee ay ka midka yihiin Vitz ( Tukhaanka) Probox, Passo, Duet. Baabuurtani dhamaantood waxey cunaan shidaal ka yar afar litir 4Ltr maalintii. Madaxweyne Magafuli markii wax laga weydiiyey sababta go’aanka wuxuu yidhi ” anigu waxaan u baahanahey waxey tahey shaygani ma qaban karaa adeega aanu u baahanahey, jawaabtu hadii ay  Haa tahey, waxba nagama galin qaabka uu u eeg yahey iyo qiimaha uu leeyahey.Wuxuu intaa ku darey masuul kasta oo ay niyadiisa ku jirto inuu halkan ka taajiro wuu iska tagi doonaa wuxuuna tagi doonaa shirkadaha lagu taajiro. Madaxda dawlada waxaan leeyahey halkan inad kashaqeystaan idiinkuma magacaabin ee waxaan idiinku magacaabey inaad u shaqeysaan. Wuxuu hay’addaha Booliiska amray in sarkaal kasta oo lagu tuhmo in uu ku dhaqaaqo talaabo ka  dhan ah go’aankaa iyo masuul kasta oo gaadiidka dawladda isticmaala xili  shaqada ka baxsan una isticmaala wax shaqada ka baxsan in sharciga la horkeeno. 
Madaxweyne Magafuli wuxuu meesha ka saaray kharashaadka loo isticmaalo safarada aan muhiimka u aheyn danta qaranka iyo dawladnimada Taansaaniya. Waxa xusid mudan in uu Rooga cas ee madaxda loo dhigo isagana mabnuucey, haddaa innagu guul diblamaasiyadeed beynu u aragnaa! Hadaba is-weydiintu waxey tahey muxuu madaxweyne Muuse Biixi ka baran karaa Magafuuliga micnaha ka dhex sameeyay muwaadiniintiisa? Hogaamintu waa dareen ee maaha dookh. Go’aan qaadashaduna kama soo hadho garashada qofka ee ka duuleysa micnaha uu sameynayo go’aanka uu gaadhayo. Masuulka gaadhi raaxo ay maskaxdiisu kusoo dhacdey isagoo og xaalada saboolnimada dadkiisa, shaqo la’aanta iyo maamul xumadu… ma Hogaamiyuu noqon?.Madaxweynaha kaskiisu siiyey in baabuur todobaatan kun oo doolar ah uu bixiyo isagoo  wasaaradihiisa iiyo xafiisyada xukuumadiisa qaarkood kirro ku jiraan… ma madaxweyne hore inoo wadi karuu noqon? 
Abdikani Mandela

COMMENTS
Latest News