Yoolnews.com
Wasaaradda Warfaafinta oo Mad-bacad gaar ah ku Naasnuujisay Samaynta Kaadhadhka Shaqaalaha iyo Sababta ay uga Maarantay Madbacad Casri ah oo ay Iyadu leedahay
April 4, 2018 - Written by Yool News

Hargeysa (yool)Wasaaradda Warfaafinta oo Mad-bacad gaar ah ku Naasnuujisay Samaynta
Kaadhadhka Shaqaalaha iyo Sababta ay uga Maarantay Madbacad Casri ah
oo ay Iyadu leedahay
Marka hanti la musuq maasuqayo lama waayo tab iyo xeelad lagu xado
hantidaas,halka taas badalkeeda hadii lala dagaalamayo musuqa iyo wax
is daba marintu ay u baahan tahay mas’uul ay si daacad ah uga go’an
tahay ilaalinta dhaqaalahaas.
Wasaarada warfaafinta Somaliland waxay ka mid tahay Wasaaradaha faro
ku tiriska ah ee miisaaniyada ugu badan ay xukuumadu geliso, hadaba
dhawrkii cisho ee u danbeeyay waxaa wasaaradan ka socday qaybinta
kaadhadhka aqoonsiga shaqaalaha kuwaas oo agaasimaha maamulka iyo
lacagtu uu ka soo sameeyay kuna naas nuujiyey Shirkada daabacaada ee
Sagal Jet, Dhaqaale badana maadaama Sarkaalka leh shirkadaasi uu ka
mid yahay Caa’ilada qoyska Madaxweyne Muuse Biixi.
Arrinta Xiisaha leh ayaa ah in Wasaarada warfaafintu ay leedahay
madbacad casri ah oo ah nooca midabka leh taas oo loo adeegsado
daabacaada wargaysyada Dawan iyo Wixii xayaysiis ah ee Kale hasa
yeeshee Maamulka wasaaradaasi ayaa iyaga oo og Madbacada casriga ah ee
wasaaradu leedahay isla markaana aanu wax dhaqaale ahi kaga baxayn
sidii ay ugu samaysan lahaayeen Kaadhadhka Aqoonsiga Shaqaalaha waxay
ka door bideen in Shirkadaas gaarka loo leeyahay ay u daabacdo
kaadhadhka shaqaalaha.
Waxay is weydiintu tahay waa maxay sababta amuurtan keliftay? Akhriste
Meel fog ha ka raadin halcelinta Su’aasha waxaanu nuxurku ku soo
ururayaa sidii dhaqaale loogu lunsan lahaa waayo hadii madbacada dawan
laga sameeyo Kaadhadhkaas lama hayo wax food saaro looga dhigo
dhaqaalaha ku baxay kaadhadhkan,Sidoo kale waxaa weli socota hawsha
Tirinta iyo madax taabashada shaqaalaha dawlada oo haatan gabo gabo ku
dhow,Waxaa Wasaaradda warfaafinta la soo weriyey inay Bayrolka
Mushahar qaadashada ku Jiraan 723 qof oo Shaqaale ah waxaana hada soo
baxaya in kadib markii wasaaradaasi madax taabasho lagu sameeyay
maxsuulka soo baxayaa inuu noqonayo 475 qof oo Shaqaale ah, waxaana
meesha ka baxaya 248 qof oo Caaglayaal ah,hadana waxa uu agaasimaha
maamulka iyo lacagtu aanu sugin tirada maalmaha soo socda ay shaacin
doonto liiska saxda ah ee shaqaalaha isagoo taas badalkeeda sameeyay
dhamaanba Kaadhadhka aqoonsiga shaqaalaha kuwaas oo halkii qofba loogu
sameeyay 4.5$ taas oo ka dhigaysa wadarta lacagta lagula baxay
3253.5$.
Kaadhadhkan ayaa lagu sameeyaa halkii qof 0.9$ taas oo ka dhigi lahayd
inuu ku kaco kharash dhan 650.7$ waxaana farqiga lagu kala faa’iiday
uu noqonayaa 2601.8,Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ayaa ii sheegay
in kaadhadhka hada loo sameeyay ay yihiin kuwo bilaa tayo ah oo Waraaq
ah halka kuwii hore ay ahaayeen kuwo Laf ah.
W/qoray Cabdi Faarax Maxamed

COMMENTS
Latest News