Yoolnews.com
Doorka Waalidka Iyo Waxbarashada
March 27, 2017 - Written by admin

Doorka waaalidiinta Soomaaliyeed ee waxbarashada caruurtooda, waxa si faahfaahsan loogu qeexay maansada soo socoto ee uu curiyeey Abwaanka soomaaliyeed ee Maxamed Ibrahim Xadraawi:
Hooyoy la’aantaa
Adduunyadu hubaashii
Habeen kama baxdeenoo
Iftiin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen
Dayax heego joogoo
Sida haad ma fuuleen
Xiddig hawd ka lulatoo
Hawo laguma gaadheen…

Tixdan waxa abwaanku ula jeeday in hooyadu ama hoygu yahay dugsiga ugu qiimaha badan ubadka.

Haseyeeshe, waxaa xusid mudan in baahida loo qabo doorka waalidka ay sare martay kadib markii Soomaalidu u hijroodeen dalalka Reer Galbeedka ah oo aad uga duwan Soomalida dhanka; diinta, nooca waxbarashada, (Education system), dhaqanka (culture) iyo luuqada (language). Marka laga soo tago welwelka in caruurtu lumiyaan dhaqanka iyo diinta, waxaa sii kordhay mugga hawsha ka dhalatay in waalidiinta ay si joogto ah ula xiriraan dugsiyada (schools) kana qaybqaataan waxbarashada ee caruurta.

Baaxada howsha soo korortay waxaa kale oo sii adkeyey durufo kale oo xannibaad ku noqday in waalidka gutaan xilka ka saaran waxbarashada caruurtooda. Durufahaasi waxaa loo kala qaadi karaa kuwa ay waalidiinteena sabab u yihiin iyo kuwo kale.

Madaama aysan suurgal ahayn in aan maqaalkan ku soo koobno dhammaan durufaha jira, waxaan halkaan ku soo xusi doonaa inta aan isleeyahay wax waa laga qaban kara haddii meel looga soo wada jeesto:

Faham la’aanta waalidiinta nidaamka waxbarashada waddamada shisheeye:
marka laga soo tago dhibatada ka dhalatay aqoon la’aanta luuqadaha, waaliddiinta soomaaliyeed xilweyn iskama saaraan fahmida nidaamka waxbarashada ee ilmahooda waddamada shisheeye jooga iyo doorka laga rabo waalidka. Waxaa muqaanaysa in waalidiinteena marka lagu daro kuwooda aqoonta u leh luuqadahs in aysan xil iska saarin fahmida nidaanka waxbarashada ee waddammadaas.

Isku kalsooni la’aanta waalidka:
waalidiinta luqadoodu hooseyso ma aminsana ama kuma kalsoona in ay ilmahooda caawin karaan. Sida badan waxaa laga dhigtaa aqoon la’aanta luuqada qiil ay waalidintu faraha ka laabtaan waxbarashada caruurta. Waalidinta qaar waxay xitaa ka gaabiyeen in ay caruurta ku kormeeraan waxbarshadooda marka ay guriga joogaan.

Xiriirka waalidka iyo dugsiga oo aad u hooseeya:
waxaa muqanayso in waalidka soomaliyeed, sida badan aysan xil iska saarin la xiriirka macalimiinta caruurtooda iyo maamulka dugsiga. Sida badan ma xafidno ama kama jawaabno warqadaha wargelinta ama ogesysiska ah ee ku saabsan shirarka waalidka iyo macalinka (parent/teacher interviews) ee waalidka lagula socodsiinayo heerka waxbarashada ubadkooda. Sidaasi oo kale kuwa ku saabsan doorashada guddiga maamulka ee dugsiga (Board of Trustees elections) iyo shirarka lagu dejinaya qorshaha howlaha muhimka ee dugsiga (strategic planning meetings).

Xiriirka waalidkeena iyo caruurta oo aan waanagsanyn:
Inta badan waalidiinteena kuma dhiirigeliyaan caruurta in ay waalidka la sheekeystaan ama ay ka dhageystaan duruufaha la soo gudboonaday.

Geediga badan ee qoysaska Soomaaliyeed (transiency):
Dugsiyada waxay dhibaato badan kala kulmaan geeddiga badan ee waalidiinta soomaaliyed iyo iyadoo sida badan aan ku wargelin dugsiyada cinwaanka guriga cusub ee ay degeen si loogu soo hagaajiyo warqaha.

Dhaqanka soomaaliyeed oo aan dhiirigelin in khaladka ilmaha lagu saxo tusaaleyn:
Sida badan waalidka soomaaliyeed waxaa dhaqan u ah in la ciqaabo ilmaha marka laga soo gudbiyo warbixin aan farxad gelin waalidka. Tusaale, waxaa sida badan waalidku adeegsadaa ciqaab (corporal punishment) ama canaan culus marka dugsiga ama barayaasha ay soo diraan warbixin aan wanaagsanayn. Arintaani waxay sabab u noqotaa in sida badan caruurta ay ka qariyaan waalidka warbixinada (progress report), natiijada imtixaanka (exam results) iyo ogeysiska kulanka waalidka iyo barayaasha (parent/teacher meetings).

Abaabul la’aanta jaaliyadaha soomaaliyeed:
Waxaa aad u liidato abaabulka jaaliyadaha soomaaliyeed, sida abuurista xaruumo kor loogu qaado waxbarashada caruurta laguna hormariyo dhaqanka iyo hidaha soomaaliyeed.
Si loo daboolo daldaloolada sare lagu xusay waxaa loo soo jeedinaya waalidiinta qodobada hoos ku qoran:

1. Waalidiinta soomaaliyeed waa in ay ogaadaan in guusha waxbrashada carurteena ay ku xiran tahay hadba inta aan juhdi gelino waxbarashadooda iyo la socodkeeda.
2. Waalidiinta waa in ay xil gaar ah iska saaran fahmida iyo barashada nidaamka waxbarashada dalka iyo kaalinta ay ku yeelan karaan waxbarashada caruurta.
3. Waa in aan ka abuurnaa guryaheena jawi munaasab u ah waxbarasho. Sida waqti go’an in loo cayimo daawashada telefiishiinka iyo in haddii durufta saamaxdo la sameeyo meel gaar u ah waxbarashada.
4. Sidaasi oo kale waa in waqti go’aan loo cayimo seexashada qoyska
5. Waaa in aan xaqiijinaa subax kasta u diyaargarowga caruurta waxbarasho. Sida in la xaqiijiyo nadafadda dharka, jirka, buugaagta, qalimaanta iyo in cunto u qaatan dugsiga
6. Waa in caado laga dhigto in la weydiiyo caruurta marka dugsiga (school) ka yimaadaan waxii maalintaa kala soo kulmeen dugsiga, waxii ku adkaa, waxii uu aad uga helay iyo haddi loo soo dhiibay wax fariin ama qoraal ah.
7. Waa in la weydiiyaa caruurta natiijada ay ka heeleen imtixaanka laga qaaday. Waana in aan la dhaliilin hadii uu sheego in uu ku liitay imtixaanka. Haseyeeshe taa bedelkeeda waa in la weydiiya waxyabaha ku adkaaday, laguna dhiirigeliyaa in uu u diyaargroobo imtixaanada soo socda.
8. Hadii ay kuu cadaato in ay duruustu ku adag tahay, gee meelaha laga caawiyo ardayda (homework centre) ama macalin gaar ah u qabo (home tutor). Hadii xarun ilmaha lagu cawiyo aysan jirin adigana ay kugu adagtahay in ad caawiso (aqoon ahaan iyo dhaqaale ahaan), utag dugsiga una sheeg in ilmahaagu uu bahanyahay kaalmo dheeri ah adigana aadan awoodi karin in aad cawiso. Sidaasi oo kale la xiriir haddii ay jiraan aqoonyahano soomaaliyeed oo la shaqeeya dugsiyada (Somali tutors or leson officers)
9. La saaxib ilmahaaga, markastana dhiriigeli. Ogow qofka waxbaranayo waa ilmaha ee adiga xoog waxba kuma bari kartid.
10. Maadaama ay suurogal tahay in an maqaalkan akhrintiisa awood aney u wada helin dadka u baahan ,fadlan qofkii akhristow ku dabaq qoyskaada iyo hadba intii ad fursad u heshid oo soomaali ah
11. Waxa ila quman gudiyada soomaalida ee magaalooyinka waaweyn in ay la xiriiraan wasaaradda waxbarashada deegaankooda si la iskula meel dhigo in waalidiinta loogu gudbiyo macluumaadka la xiriira qaabka waxbarashada dalka aad joogto.

Gunaanad

Waxaan maqaalkaan si gaar ah ugu ifinay, duruufaha horjoogsiga ku ah in waalidka soomaaliyeed ka qaataan waxbarashada caruurta kaalin firfircoon. Inkastoo ay ujeeddada maqaalku ahayn in lagu soo bandhigo dhibatooyinka badan ee la soo dersay waalidiinta soomaaliyeed ee kuu nool waddamada shisheeye. waxaan dulmar kooban ku sameeynay dhibaatooyinka jira kuwooda aan isleeyhay soomaalidu xal waa u heli kartaa. Waxaa xusid mudan in xallinta dhibaatada jirta ay u baahantahay in si gooni gooni ah iyo wadajirba ah loo waajaho. Waa in an maanka ku hayno in qofna ama qoysna uu guul ka gaari karin waxbarashada caruurtiisa inta mid kamid ah caruurta kale ee soomaaliyeed uu beylah ama halis ku sugan yihiin.

Cudur daar:

Waxaan ka cudur daaranaynaa haddii gef loo arko dhalliilaha dhexdeena ah ee aan kor ku soo sheegnay. Ulama jeedno in waxbarashada ubadka Soomaalidu ku guuldareysatay, balse waxaan door bidnay oo keli in aan soo gudbino waxii daldalollo jira annaga oo dhexda kaga jirna waalidinta ay dhibaatadu saameyso si loo tayeeyo waxbarashada ubadkeena.

COMMENTS
Latest News