Yoolnews.com
Taariikh Suugaaneedkii Abwaan Axmed Aw-Geedi
March 3, 2017 - Written by admin

Ahmed Aw Geedi “Dheeraad” waxa uu ku dhashay magalada Berbera ee gobolka Saaxil sannadkii 1966kii.
Waxa uu ku bar-baaray magaalada Hargaysa,halkaas oo uu waxbarashadiisii dugsiga hoos/dhexe iyo
saraba uu ku qaatay, ilaa haddana daggan yahay.Axmed yaraantiisiiba suugaantiisu waa tis-qaaday,
waxaana laga xiisayn jiray goobaha waxbarashada,oo uu ka bilaabay suugaantiisii hore, ama uba
ahayd bar bilow. Waxa uu Axmed isaga oo yar uu ka qayb gali jirey tartan aqooneedyadii loo samayn
jirey dugsiyada .1985-kii ayaa isaga oo dhigta dugsiga sare ee Gacan libaax ee magaladda Hargaysa
uu ka qayb galay tartan aqooneed suugaaneed oo loo qabtay dugsiyadii sare ee wakhtigaa jiray.
Waxaana xusid mudan in heestii ugu horreysay ee uu allifo ee la odhan jiray ”Hay-huruufin”, ay ka
mid noqotey heesihii uu kaalinta koowaad ku galo dugsigiisu.Abwaan Axmed Aw-geedi, waxa uu ka soo
qayb qaatay halgankii dheeraa ee dib u xoreynta dalka, waxa uu ku lahaa kaalin muuqata, waxa uu ka
mid ahaa abwaannadii faro ku tiriska ahaa ee ka soo horjeedsaday dawladdii Maxamed Siyaad Barre,
waxa uu kaalin wax ku ool ah ku lahaa halgankaas dheer.Suugaantiisu waxa ay soo shaac baxday ka
dib markii laga dhagaystay Idaacaddii Raadiyoow S.N.M, ee ku taal magaalada Baligubadle.
Dib u xorreyntii dalka waxa uu ka mid ahaa abwaannadii ka qayb qaatay dib u dhiskii dalka, waxa uu
maansooyin badan oo nabad-doon ah uu ka tiriyay Khayriyada magaalada Hargeysa. Abwaanku waxa uu ka
mid yahay suugaanyahannada dhaqanka iyo hiddaha in badan ka maansooda,waxa u dheer isaga soo
nooleynta dhaqankii hore ee duugoobay, waxa uu daraasado badan ka sameeyay dhaqankeena iyo sida ay
iskugu xidhan yahiin deegaanku, waxa kale oo uu cilmi baadhis ku sameeyaa soo noo leynta hees
hawleedyadii dhaqankeenii hore ee reer guuraaga ahaa.Suugaanta abwaanku, waxa ay soo jiidatay
aqoonyahanno badan oo shisheeye ah, waxaana loo turjumay suugaantiisa af-af kala duwan sida:
Ingiriisi, Faransiis.Abwaan Axmed Aw-geedi, waxa uu ka maansoodaa, qaybaha kala duwan ee nolosha,
sida: Dhaqanka, hiddaha, colaadda,nabadda, deegeenka, xayawaanka, jacaylka. Abwaanku waxa uu
leeyahay dhawr riwaayadood, oo aan ifka arkin, iyo kuwa arkayba, dhammaantoodna waxa ay ka siman
yahiin hogo-tusaaleynta iyo wacyigalinta dadweynaha. Dhanka kale dhammaan heesaha abwaanku waxa ay
ka hana-qaadeen in laga dhagaysto daafaha dunida, gaar ahaan warbaahinta caalamka sida; BBC-da,
Radiyoow Hargaysa, Radiyoow Muqdisho, TV-ga iyo Radiyoowga Jabuuti, iyo Baraha internetka ee ay
soomaalidu leedahay

Dumar Waa madhaafaan Dib U laabo

Dumar Waa Madhaafaan

Waxa ay maansadu si qiimo leh u qiraysaa, kartida, aqoonta,hufnaanta iyo xaq dhawrka ay haweenku
mudan yihiin.Dhanka kale waxa uu abwaanku xasuusan yahay in waxa rag is dhaafiyaa ay dumar
yahiin, sidaa daraadeed, waxa uu ku duceysanayaa in uu Eebbe siiyo gabadhii uu ku dagi lahaa.

Wuxuu yidhi:
Haween maxaan ku diidaa?
Ama kaga durkaa tolaw?

Sowtay doraad galab
Anigoo itaal daran
Dabka ii shideenee
Ina soo dugsiyayeen

Haween maxaan ku diidaa?
Ama kaga durkaa tolaw?

Sowtay laf duudkiyo
Dusha sare i saareen
Dhabarkii daloolshamay
Cududuhuna daaleen

Haween maxaan ku diidaa?
Ama kaga durkaa tolaw?

Sawtay daleeliyo
Diif iyo laleemiyo
Dacas iiga dhaasheen
Sareedana i daajeen

Haween maxaan ku diidaa?
Ama kaga durkaa tolaw?

Sawtay gabaan dihin
Intey doobi qaateen
Dabeed ii gobsheeyeen
Buqul iiga duugeen
Dunji dhalanka waayaha
Hayaanadii isdaba joog
Wixii daal la soo maray
Dadaal kuu rag soo galay
Dumar baa kabaayoo
La duduucay hawshii
Nin kastoo dul qaataba
Dumar baa bar-baarshoo
Nin kastoo dadnimo leba
Dumar baa kabaayoo
Nin kastoo bah deeqaba
Dumar baa kal-kaaloo
Nin kastoo la doortaba
Dumar baa u hiishoo
Nin kastoo hal-dooraba
Dumar baa u liil galay

Haddaan dumar abuurayn
Dadku may tarmeenoo
Haddaan dumar abuurayn
Dirba muu jireenoo
Haddaan dumar abuurayn
Farac muu durkeenoo
Haddaan dumar abuurayn
Dirba muu jireenoo
Haddaan dumar abuurayn
Duug muu hadheenoo
Haddaan dumar abuurayn
Lama kala dab qaateen

Dugsi laga aflaxo iyo
Waa deris ma dhaafaan
Dunji lagu arrooriyo
Dun tafiiran weeyaan
Degel lagu nagaadiyo
Gallad weeye lagu dego
Damal lagu nasanayiyo
Waa deeq Rabaaniya

Sideebaan u diidaa?
Sideebaan u daayaa?
Sideebaan u deyrshaa?
Sideen uba dagaalaa?
Dumar waa madhaafaan
Iyo duuga noloshee
Allahayaw mid diintiyo
Ehebtaadu deeqdoo
Derejeysa aayaha
Allahayaw mid diiqiyo
Duco waalid sidatoo
Oon loo dar-daar werin
Allahayaw mid deeqloo
U dadaasha samahoo
Oon didin goolmoon
Allahayaw mid aan dudin
Ama aan il dabinoo
Dadku gacal u wada yahay
Allahayaw mid ii daran
Kaa dooni maayee
Eebbaw mid daacada
Ii door Allahayaw
Midii aan ku dagi laa

Baadi Sooc Dib U laabo

Baadi-sooc

Heestanna waxa aad ku dhex arki doontaa suugaan qiime leh, oo ku arooraya dhaqankeennii aynu gaarka
u lahayn, waxaanu astaan gaara ka bixinayaa abwaanku hiddaha iyo dhaqanka aynu gaarka u leenahay ee
cid inala wadaagtaa aanay jirin, “Waa sadkeeniyo,Sawraceenoo, Sinjaan ulahayn .

Wuxuu yidhi:

Seehi geeloo
Sadex boqol iyo
Sagaashan habeen
Uu sid keed yahay

Waa sedkeeniyo
Sawraceenoo
Sinjaan ulahayn

Baarqab suguloo
Maraq saarkiyo
Ilaa sararaha
Dhibidii simay
Sange shaal iyo
Sitaac quruxliyo
Laji sudhantoo
Sindiyaal lulay
Darmaan sebiyoo
Gaasabixinoo
Sidii wiil curad
Sixin lagu habo

Waa sadkeeniyo
Sawraceenoo
Sinjaan ulahayn

Sac irmaanoo
Weyl aan socod baran
U siyaaxiyo
Gadhoodh iyo subag
Dibi suudh loo
Sarar waynoo
Seero daaqoo
Geesku samay yahay

Waa sedkeeniyo
Sawraceenoo
Sinjaan ulahayn

Orgi salawloo
Suurad bahalloo
Seenyo dhuuxeey
Sinsaaro udhigay
Sumal gooloo
Tiro suuriyo
Sabeenaha ugub
Jeeni wada sudhay

Waa sedkeeniyo
Sawraceenoo
Sinjaan ulahayn

Suuban boqor iyo
Saddex qayd iyo
Bafto sidatoo
Subeeciyad xidhan

Waa sedkeeniyo
Sawraceenoo
Sinjaan ulahayn

Barbaar seefiyo
Hooto samayliyo
Saddex geesiyo
Sita dhuugii

Waa sedkeeniyo
Sawraceenoo
Sinjaan ulahayn

Boqol sooniyo
Guurti sooftoo
Sama talisoo
Geedka lagu sugo

Waa sedkeeniyo
Sawraceenoo
Sinjaan ulahayn

Seerma waydiyo
Dadkoo saxal baxay
Dhallin saxanoo
Sacab tumataa

Waa sedkeeniyo
Sawraceenoo
Sinjaan ulahayn

Surad iyo lool
Gaari soohdoo
Gabadh lala sugo
Dhibaad iyo sii

Waa sedkeeniyo
Sawraceeniyo
Sinjaan ulahayn

Marti socotoo,
Sama faliddeed
Sumal gooliyo
Sogob loo qalo

Waa sedkeeniyo
Sawraceenoo
Sinjaan ulahayn

Sooryo xididoo
Xeedhyo saabliyo
Caanihii sulub
Habeen lagu sedo

Waa sedkeeniyo
Sawraceenoo
Sinjaan ulahayn

Baadi sooc iyo
Dhaqan suganoo
Soo jireenoo
Aan sal guurayn

Waa sedkeeniyo
Sawraceenoo
Sinjaan ulahayn

Rabaw saawiyo
Saxal cudur iyo
Aafo socotiyo
Sadho naga hay
Rabaw sigashiyo
Col saqaafiyo
Weerar siman iyo
Sumuc naga furo
Rabaw siigiyo
Abaar suruqdiyo
Soof idlaadiyo
Saban naga dhawr
Rabaw silic iyo
Saac fogaadiyo
Saba guurtiyo
Saymo naga kori.

Bakeyle Dib U laabo

Bakeyle

Maansadan waxa uu abwaanku curiyay sannadkii halganku qadhaadhaa ee 1986-kii, waxaanay ka mid tahay
Maansooyinkii Raadyahii SNMta la saari jiray ee halganka ku caan baxay, waxa ay si dul mar ah uu
sharraxaysaa geesiyaashii dalkooda u soo halgamay,waxaanay duraysaa kacaankii faashiistaha ahaa.

Wuxuu yidhi:

Adigaa Bakeyloow
Baqe geed ku dhuuntoo
Naf la baydadaayee
Baarruudan qarraxdaan
Beerka u dhigaayoon
Wed ku beegso leeyahay
Bi’iwaaye ma ogtahay
Burkii aad galeysaa
Cadaawahu u bu’ayaa
Boqorkii ugaadhow
Lama baraq nuglaadee
Birmad iigu deeqoo
Biciidkiyo dibtiigii
Cawshan bananka tooreyn
Ama goodir Buurreed
Bah intaad wadaagtaan
Guutooyin soo bixi
Iyo gaasas xoog badan
Axdi lagama baydhoo
Ballan lama fudeydshee
Marka buunku yeedhee
Safeyn loo balaadhee
Habar wacasho badatee
Boobuhu san-qadhayaan
Tagoogtada buuxdiyo
Laxaadkaaga baaluqay
Dakhso iigu soo biir
Baashaha an derisnoow
Adigeys ka baaddoo
Boholaha ku daahee
Waa horuu baraarugey
Badi habar duggaagoo
Qabsoo boowe haaduna
Igalama bakheyline
Kolaan baaqa sii faro
Waajibkood ka soo Baxe
Waaryaa baahi laawow
Baliyadaad cabeysiyo
Doogaad u baratoo
Colaad kuma bilaatide
Bilad aan ku siiyoon
Dhaqso kuu bogaadshee
Inta aad badheedhaan
Adigiyo ba’ ceeb laba
Bar-barkayga soo dega.
Waaryaa booda dheeroow
Markaan libinta bo’ganee
Ragga kala baqoolee
Cadawgeenu baaba’o
Weynu tegi badhii Herer
Adna boqol ku qaybow
Beertii xorriyadiyo
Toga baalihiisaad
Baashaali doontaa

Godlan Dib U laabo
Wuxuu yidhi:

Haddii aan si kooban u sharraxo gabaygan oo ahaa mid soo baxay 1991, lana yidhaahdo “Godlan”.
Waxa uu si toosa u taabanayaa saddex arrimood oo nolosha bulshada Soomaaliyeed ku wajahan,
kuwaas oo kala ah: Ugu horrayn hannaankii ay mujtamacii hore ee soomaaliyeed u noolaayeen
oo ahayd xoolo dhaqato reer guuraaya, iyo hannaankii ay isku maamuli jireen bal waxa laga
faa’iideysan karo ee cilmi ah..Waxa kale oo uu Gabaygu taabanayaa dhalliilayaana,
hannaankii kaligii taliska ahaa ee Siyaad Bare iyo siday dadku ugu hungoobeen maamulkiisii.
Waxa kale oo uu gabaygu ka warramayaa kacdoonadii iyo dadkii naf iyo maalba u huray rididii
dawladii Siyaad Bare, ugu dambayna waxa uu abwaanku farriin waano culus xambaarsan u soo
jeedinayaa guurtidii iyo maamulkii gacanta ku dhigay mujtamaca

Gabay waala tiriyaa Cabdaw, kani se waa gaare
Waa duco gudeysiyo ammaan, geesi soo diraye
Waa gocasho raagtiyo ladh iyo, hibasho ii gaara
Waa geydha roobkiyo ufada, galuhu keenaaye
Waa raxan gadoodiyo libaax, beesha soo galaye
Waa faras gudoodiga bartiyo, gaade iyo weerar
Waa galacda waagiyo, habeen kala gayoonaaya
Waa gabadh xishootiyo barbaar, timaha geedeystey
Waa goray haldhaagoo aroor, gedefka taagaaya
Waa geedka laysukugu tagiyo, golaha waayeelka
Godlan weeye maansadu, ninkay faro lagaadhoowe
Afartaa galool ubax lihiyo, man iyo geed saar dheh
Afar kalana gudiyeey imaqal, waydin garan siine
Goortii adduunyada lasimay, gebi ahaanteedba
Ee guulaheen qaybiyee, gobalba meel joojey
Dhulka uduga laga soo guriyo, xabagta geed saaqa
Soomaali geeskaa lafuray, galaya xeebaaye
Geel iyo adhay dhaqan jireen, guunyo faro wayne
Gabdhahaa lakala guursan jiray, gob iyo caadkeede
Gacal iyo xigtey wada ahayd, beel is garab taale
Haddii uu dareen kale galoo, daano kala gaadho
Garta odayadaa qaadi jirey, guud.cadaadige
Gudoonkuna heshiisa buu ahaa, loo gudboon yahaye
Iyadoy gadaa wada tahoo, nabad ku goohaysa
Ayuunbaa waxa soo dhex galay, geed ismjaaris jaane
Waa geedi baabaw waxeer, saatan noogalaye
Guul darayste eel kuu dhigaan, cidina goyneyne
Markii uu sokeeyaha ku gudey, mariyey gaaleefta
Markii uu gadhweyntii jaree, haadku gabasleeyey
Markii uu haween gawdhiyuu, gawrac ugu jiiday
Geesaaska naagaha markii, giida laga waashay
Gees biciid markii uu tuntuu, gudari noo loogay
Daahyada markuu goostayuu, gelen gel noo saaray
Ayuun baanu ciil goohnayoo, goyney dabarkiiye
Gugii hore dareenkii nagalay, gibil madoobaaney
Gugii xigey gunaad baa jiraa, gawnaxyada buuray
Gugii xigey faq hoosiyo gujada, ubadka gaadhsiiney
Gugii xigey dhadhaab guranayoo, laamiyada goyney
Gugii xigey sidii goosan lumay, gees isugu boodney
Gugii xigey hubkii gaaranoo, gamaska dhiigeyney
Gugii xigeyan gaadmiyo badheedh, nacabkii googoyney
Gugii xigeyna geeda waaqlihii, garabka naafeyney
Gugii xigeyna dooyada galoo, guluf u heenseyney
Gugii xigeyna duhur soo galoo, hadalba soo gaabey
Kun gabraarta kuman leylka guda, kuman kaloo gaafan
Kun gaatamaya kuman ciil la goda, kuman godoodaaya
Kun geylamaya kuman goob dagaal, looga kala guulmey
Kuman marada gaabinahayoo, labada low geeya
Iyo kuman sidii Aarka guda, godabta raacdeeye
Baroon gaaban jiib galaxsan, oo gumaca tuuryeeya
Shilka guuxa suugoo gingiman, guda yaraw biiten
Sii kaawi geelgeel tamoo, cadawga googooya
Foodhiga gariirkii ka baxay, galawgu eedaamay
Garaanbiiga goobtuu ku dhaco, ciidu Gubaneyso
Beebeega orod gaariyeen, cidina Gaadheynin
Kaaraha gurguurtee khalqigu, baqe ka giigaayo
Galabtaan intaa soo tubnee, faqashtii guudkeeney
Sidii goroyo lagu soo baxay, gelelef yaaceena
Gaaleef markii lala dhacee, guduri loo loogey
Maydkoodu waa tuu gignaa, goonyahoo idile
Waligoodba goob layska heley, guul lamay hoyane
Gafuuro xun sidee Eebbahay, gabo-gabo u taagey
Afartaa golool ubax leh iyo, maniyo geed saar dheh
Afar kalana gudiyeey imaqal, weydin garansiine
Galadeynu joogniyo ragii, guusha wacan keenay
Nimankii gumaystaha diree, faqashta gaagaabshay
Nimankii sariir lagu gamiyo, guri ka dheeraaday
Nimankii gudoodiga habeen, guura bahaleeyey
Nimankii haween lala golyiyo, gaari wacan dhaafay
Sidii Aar gabood yaleh raggii, gooha damin waayey
Gaashaan dhigeeniyo raggii, gacanta xoogeeyey
Gaajiyo haraadiyo ragguu, gawre kari waayey
Raggii gocondhadii aad ogeyd, calaha guud joogey
Guud kooda raamaha raggaad, geydhe baxay moodey
Sidii goray saraareed raggii, goroyo cawloobey
Jananada raggii gawracee, libin ku geeraaray
Gayigooda nimankow xishee, guri kale u dhoofin
Cod mujaahid Eebbaa galaday, gooruu joogaba’e
Gudiyeey wanaag lama gadee, guda abaal kooda
Calan kaa na guud jooga, iyo guri yagleelkeena
Gobanimada niman baa u go’ay gacalayaalowe
Inta geesi ciida u nafbaxay, waa gun iyo baare
Rabi waxaan galiimaday, inuu geeyo meel wacane
Gudiyeey wanaag lama gadee, galiya taariikhda
Shuhadadu gurboodkii ay dhaleen waa lagaasiraye
Gabanadu haddii ay cawdaan, waa gunimo wayne
Gaari weer ku raagaa ka badan, geedahaa baxaye
Guno iyo xasuus bay rabaan, gu’ iyo jiilaal
Gudiyeey abaal lama gadee, guda abaalkooda

Naafadan gacmaha ciirsatee, cadawgu googooyay
Ee wada gurguurtee, kurtood gabi dhaclaynaaya
Ee wada galiilyaysan, ee goroda laalaadshay
Laxaadkooda nimankaa gatee, gumaro noo siiyay
Haddii geesi jiro waa iyaga, garashadaydiiye
Guno iyo dhaqaalay rabaan, garasho waayeele
Gudiyeey wanaag lama gadee, guda abaal kooda
Haweenkii gambada xoorayee, ficil gadoodaayay
Ee giraamka noosoo huree, gacanta noo saaray
Ee aan galaan nagala hadhin, guri wixii yiilay
Iyagoon gasiin hayn, kuwii tamaradood gaystay
Gudiyeey wanaag lama gadee, guda abaalkooda
Dhaawacayga nimankii guree, geeda sare waabay
Eegoolka soo wada dabriyo, gaabanaw adhiga
Gurgurshaaga nimankii qaliyo, gibil madiidaanka
Dooyada raggii ila galee, gaade iga eegay
Reer miyeey garagaaroo, bulshada iiga gooniyaha
Gudiyeey wanaag lama gadee, guda abaalkooda
Debaddaha raggii geylamee, gooha damin waayey
Ee giniga lacagta ah baxshiyo, guufka iyo moodka
Ee aan goblooleyn marnaba, gamashi waa ceeba
Ninkii ganay iyo waa kala ogyahay, kii galaday Aare
Gudiyeey wanaag lama gadee, guda abaalkooda
Xilkaad guudka saarteen ka culus, buurihii golise
Kuwii horaba waxa loo genbiyey, garabku daqiiye
Idinkuna haddii aad geftaan, waa gedaan jabaye
Ummaddii godbaa lagu ridoo, guudka laga aasye
Goof bay dhex taalaa bulshadu, gabi ahaan teede
Waxa gododka naartaa ku guray, gacan ku dhiigliiye
Gacalkiyo xigaalkeer is diley, waa gaduu falaye
Intuu reerkan guuluu mid kale, garabka saaraaye
Gaaleysyaduu qeybiyiyo, gudintu soo feeyey
Isku go’ayuun bay ahayd, gacal cun xeeshiiye
Gacmaha isu saaroo bulshada, godobta daaweeye
Yaaney kala gadoomine ka jira, gawdhiskiyo hiifka
Gogol qudha isugu keena oo, samo ku gaalgaala
Geyigeenu wada leenihiyo, gumaro hoostaale
Nina yaan guhaad loola tegin, gocasho waa ceebe
Shir la gooyey, waayeel gabyidhi, garangar muunaysan
Gole xaadhan guurtidoo la wacay talo gorfayn teena
Masuul wuxuu gabtoolaa, markuu eexa guursade’e
Nin qabiil u guuraa ka dheer, guri barawaaqeede
Nin jeclaysi yuu soo dhexgelin, gacalayaal beesha
Qaramaadka danyar laga guree, laysu wada geeyey
Gabaan dhiiqda laga soo lisee, gaban u ooyaayo
Gacan dhaaf ayaan loola tegin, waw gudboonahaye
Wuxuu geel ku dararaa markuu, guri san daaqaaye
Godolkeedii Maandeeq la waa, gacal Islaamoowe
Gorofkeedii wuu haawadaa, dhawr guyoo tegeye
Ganboor iyo sunbay daajiyeen, geed xun iyo ciine
Gafanaa ku naaxiyo, kud-kude kaymaha u galaye
Geed sabool ayay yuururtaa, guri habaas weyne
Gu’ga oy hayaan taa u eeg, Geydho wey rimiye
Jiilaalka inay goojisaa, waa gedaan rabo’e
Goortuu sidkeedii go’, ee gabanta loo qaado
Gujo laguma maaliyo afkee, yare he gaalgaala
Qalax laguma giijee ka jire, dabar danbeed gooya
Geyigeenu waa hodan haddaan, gees walba udayaye
Dooxyadan ganaaneynayiyo, galalkan ceegaaga
Durdur aan go’ ayniyo harada, galacleh ee jiifta
Mar haddii abuur lagu guroo, gacamo loo jeexo
Gaajaba rugteeniyo ka dheer, guri sabooleede
Majada iyo gadhweyta u qabtoo, daaba gudinteena
Uguntada dadaal buu nafluhu, libin ku gaadhaaye
Diinteena oon garabsanaan, guul ku helaynaaye
Wax kaloo lib lagu gaadhayaa, waa gefiyo beene
Gudoonsada distoorkiyo sharciga, wow guboonayahay
Malaa hadalka waan guud maree, aan u galo hoose
Ummaddeeni way goomaan tahay, geliya laabtiina
Gaajiyo haraad baa jiree, galiya laabtiina
Gurboodkeeni way daalanayiin, geliya laabtiina
Gurgurshaagu waa isdinka ee, geliya laabtiina
Afar geedi baa lagu hodmaa, geliya laabtiina
Galxareeda baa muuqda ee, geliya laabtiina
Geyi doog lebaa soo hiree, geliya laabtiina
Goobaare dacalbaa hadhee, geliya laabtiina
Golibaa idaha laysa ee, geliya laabtiina
Gorgorbaa maroodiga cunee, geliya laabtiina
Garwaan luhu marbuu ii dusee, geliya laabtiina
In aan gaadh dib laysaariheyn, geliya laabtiina
Turuwaa

Waa heesihii jacaylka ahaa ee abwaanku allifey dhallinyaranimadiisii.Sida magaceeda ka muuqata
waxa aad markaaba xasuusanaysaa in Jabuuti meeshu tahay. Turuwaa, waa xaafad ka mid ah xaafaddaha
magaalada Jabuuti.Waxa uu abwaanku baadi-goobayaa gabadh la yidhaahdo “Tiriig”.
Wuxuu yidhi:

Toorin bay u qortoo
Naftaydii toshoo
Sidii tooja geela
Waan tig-tignee

Adigaa Tukayahow
Jabuuti tagee
Tiriig ma ku aragtey
Turuwaa?

Balanbay ku tagtee
Ha taabo gashee
Innaad toyotaa
Tu waajiba

Adigaa tukeyahow
Jabuuti tagee
Tiriig ma ku aragtey
Turuwaa?

Qalbigaa tebeyoon
U taag la’ ahoo
I tus buu i yidhoo
I taabsii

Adigaa Tukayahow
Jabuuti tagee
Tiriig ma ku aragtey
Turuwaa?

Tagoogta shanshada
Laf taageertiyo
Tiir bay ii ahayd
I taakulisee

Adigaa tukeyahow
Jabuuti tagee
Tiriig ma ku aragtey
Turuwaa?

Toogadaan qaba iyo
Warkey tebiyoo
Toolmoon bal u sheeg
Tabtaan ahay

Adigaa tukeyahow
Jabuuti tagee
Tiriig ma ku aragtey
Turuwaa?

Tolbaynu nahee
I taban taboo
Tunkaad sidatiyo
Laftaba tuuroo

Adigaa tukeyahow
Jabuuti tagee
Tiriig ma ku aragtey
Turuwaa?

Wabiin

Wabiin
waxaanu si toos ah inooga digaysaa in aan dhibaato loo gaysan dumarka,ragguna ay dhawraan haweenka
diintooda, dhaqankooda, suuban. Maansadu wax ay inoo sharraxaysaa dhibaatooyinka badanaaba soo
wajaha dumarka, ee raggu masuulka ka yahay. Waxaaaney iftiimineysaa qiso dhab ah, oo ku dhacday
gabadh yar oo uu nin khiyaameeyey, oo sidata wiil yar oo aan laheyn aabbo, kuna dhex rafaadsan
bulshada dhexdeeda.

Wuxuu yidhi:
Raggu saw waraabiyo
Maaha weer masuubo ah
Dumarkuna wadeeciyo
Hilib wadhan gadaanada

Wahee! inan raggeedaw
Intee inan wadeeciyo
Walbahaar ku tuurteen
Wadankaba ka dhooftoo
Ka dhaqaaqday waa hore
Wahee inan raggeedaw
Intee inan wacnaydoo
Bulshadu u hanweyn tahay
Wicil loo xanbaarshoo
Nolosheedii wiiqdeen

Wahee! inan raggeedaw
Intee qaafo weynaan
Sida neefta weylaha
Inta weyso jabiseen
Geyaankeed is waayeen

Wahe! inan raggeedaw
Intee Weris habooneyd
Oo wegen hablaa iyo
Wiilal doora dhali leyd
waaxyeysateen ugub

Wahe! inan raggeedaw
Intee geelo waafiya
Sida walanqo ruugteen
Wadhi raaciseenoo
Wajigeeda dakharteen

Wahe! inan raggeedaw
Sida roob wajiine ah
Jartaale aan wax liileyn
Waraq baad ku hoortoo
Waxtarkaa nac buu taray

Idaha woodhaqbaa diley
Geelana waraabaha
Waaxyaa jaraa diley
Dumarkana wabiiniyo
Wacad qabe rifaa diley

Hashu cuno waraabuhu
Haadkaa ku weehdee
Nin walow ogsoonow
Halka aad wareentaa
Waaxdaada midigiyo
Wadnahaaga weeyoo
Adigaa wax beelee

Baqayaha walhanayiyo
Waxaraha ban keer tuban
Talaw yaa war kala siin

Wada xilo bilaaliyo
Walamsade rag weeyoo
Dumar waa wedkoodee
Ha ku daganin wiilooy
Manka woob ka hirayiyo
Abris toban wajiila ah
Weyshii hadhaa ihi
Waraabey u halistee
Haysu dhiibin weligaa
Abris toban wajiiliyo
Waadaal ku naaxiyo
Waraabaha ka ciyay Toon

Wali Dunida Kama Dhicin Dib U laabo

waxaanay ka dhalatay maansadani ka dib markii dawladii kalitaliska ahayd dad iyo duunyaba dhamaysay.
Dhibkii,qaxii,boobkii,fadhatadii,dilkii, kufsigii, cabudhintii, cadaadiskii, xasuuqii, bur-burkii,
jabkii iyo halaaggii ummaddani soo martay ayaa waxa uu abwaanku ku muujinayaa maanso qaali ah oo la
yidhaahdo ‘Wali dunida kama dhicin” Abwaanku, waxa uu sawir toos ah kaa siinayaa sidii dhaca,
boobka iyo dilkaasi ahaa, waxa uu sawir cad kaa siinayaa sidii arrini ku dambaysay. Dhanka kale
waxa uu abwaanku si kale inoogu sawirayaa in waxii ka dhacay gobollada waqooyi ee Soomaaliyadii
hore, haddana ah Somaliland aanay ka dhicin, waxii ka dhacay dunida inteeda kale. Taariikhda laguma
hayo dayuurad magaaladdii ay ka kacaysay haddana rushaysay sida ka muuqata maansada, taas iyo kuwa
kale oo badan oo aan dunida ka dhicin ayaa uu si toos ah inoogu sharraxayaa abwaanku,

Wuxuu yidhi:

Xilliyada is doorshiyo
Waayaha is daba mara
Filimada la daawado
Maxaa daaran maantana
Fiintu danantey dhiillada
Galawgaa ka sii daran
Dinaahyee waraabuhu
Deyn waa waraaqii
Cabsi weeye duniduna
Daarihii badh baa dumay
Badhna way daloolaan
Badhna wayba duugmeen
Badhna way dayaameen
Badh dabaa ku baxayoo
Holoc bay ku dareen
Laye dhiig dadbaa wadhan
Xinjireys dalaalayn
Maydbaa is daba yaal
Eey baa durduurtiyo
Xuuriyo digaagado
Laye madax dadbaa qalan
Kun la dooxaybaa jira
Kuman daab-cad lala dhacay
Kuman obocdu daba taal
Xabaa luhu dul iyo hoos
Daafaha magaalada
Kaga badan dareemada
Laye dhaawac baa deden
Is dul buuxshey kaymaha
Kuwo duubabkaa go’an
Kuwo feedhahaa dumay
Kuwo daamankaa jaban
Dadku way qulqulayaan
Dawyadaa la marayaa
Jid siraad dushiisii
Waayeel duqooboo
Socod deyrshey waa hore
Daa’imo carruureed
Dumar weer-cad loo xidhay
Diif iyo xannuun qaba
Daaniyo miskiin keed
Debedyaal la wada noqey
Dushay milic ka haysaa
Iyo durihi jiilaal
Baraf baa ku soo degi
Deyro dhaaf kalkiisii
Waxa yimi diyaarado
Miig guuxa laga dido
Dangaraaradii sii
Durba jiidh dadkoo wadhan
Daami haamuhu siday
Daafkiyo rasaastii
Durba geeri loo baday
Marku waagu daalacay
Madaafiic dilaan tiyo
Hawsar laysu soo dumay
Ku duqeeye maatida
Dabre oo ku laba celi
Dabar gooya lays yidhi
Laye kaare doobyaa
Dhashiikaha dul iyo hoos
Dooyada ka laba celi
Laye jiibka dananaa
Daran doori yool baadh
Laye suu kula da’ ayiyo
Shilke dhamacda daadshiyo
Boobayaal wax duugaa
Dadweynaha dhabaan dhebe
Odayaal dayoobiyo
Dumar foolanaayiyo
Curyaan taagi dabartey
Gidaarada ku dumiyeen
Kuwo duub-cad qaatiyo
Waxa yimi daraawiish
Iyo darab nijaaseed
Doox dooxe maatida
Mar labaad dadkii qaxe
Cagta saare dawgii
Habaqluhu is daadihi
Isma dayato loo badey
Dirgan waa carruuri
Badh dariiqa lagu dhaaf
Dacaskiyo rafaadkii
Wax lays daba qamaadaba
Daa duun ku tage meel
Aannu aadmi weli degin
Filimkii dib ugu noqo
Iyo daahi koowaad
Ogow qaar dagaagaa
Furanaaya daahyada
Kuwo kale dukaan bey
Wixii yiil daldalayaan
Kuwo kale daqiiqbay
Sidii daaniyoo kale
Dacalada ku qaateen
Kuwo daasad maangiyo
Niidoo dalooshamay
Ayey sii duduucdeen
Qaar sariiro duugey
Genaw duud xamaasheen
Ogaw qaar dab liqeybaa
Duraaxadii mas jiidada
Guranaaya deeqaw
Ogaw gaar duf qababaa
Dusuudiyo iyo Bilaydhiyo
Duruuc iyo malkhabadiyo
Dahabkii haweenkiyo
Maryo xool dul saaraa
Duuduubtay oo raran
Ogow booli daaq yaa
Naf siday u doojaan
Hadba dabaq koraayoo
Faganaaya daaraha
Kansigii daboolaa
Maalkii dadweynaha
Dirham iyo danaaniir
Doolaar kamay tegin
Ogow daabax baa tuban
Kun wedkii diyaar u ah
Daday soo qafaasheen
Wegen laba duble u xidhe
Baroon dabada loo qabay
Wegan kale la soo dumay
Iyagana la dooxdoox
Wegen daabcad loo qaad
Wegen kale dawaar mari
Wegen kale dalqad dhige
Dhammidood la dabar goo
Dahoo Aakhiro u dege
Cagaf baana duugtee
Tolow duudsi may noqon
Hada degelku waa herer
Dooxadii hargeysaad
Wali dunida kama dhicin
Dawlad maatideedii
Kaare dalun dulceeyiyo
Madaafiic dilaantiyo
Ku duqaysa maadhiin
Wali dunida kama dhicin
Dawlad maantideedii
Hub is daadaheeyiyo
Diiradliyo gamuuniyo
Ku daqiiqda naabaal
Wali dunida kama dhicin
Dawlad maatideedii
Subax mooro duugtoo
Guryahoodi dumi soo
Rabta iney diboodaan
Wali Dunida Kama Dhicin
Dawlad maatideedii
Ciidankii dalkoodiyo
Daraawiish ku saartoo
Ku dabaasha haawey
Wali dunida kama dhicin
Dawlad maatideediyo
Oor yaheeda dooxdoo
Dhallaankeeda dubatoo
Dabar goysa waayeel
Wali dunida kama dhicin
Diyaaraad ka caayoo
Gegedey ka duuleen
Dub u gaba magaalada
Iyo dagaladoodii
Waxaan dunida soo marin
Dar Allee anaa qaban
Dangaraaradii Shalay
Dakhar kaa anoo qaba
Ninka igu diganayee
Maanta dadabta ii galay
Daacad ugama jeedee
Dadaw waxaad tidhaahdaan
Daman waxay ku leedahay
Dawliil na yara dhawr
Inay dunidu yaab tahay
Nina daduu gumaystiyo
Saldanuu u dudayaa
Anna ina darwiishaw
Waxaan doonayaa nolol
Nabarka i damqanayaa
Hadal kuma dawoobee
Saw inaan dagaalamo
Maaha dawga keliyee
Nin i deyrshey ii dhigey
Dacwadeydu maantana
Waxay daaran tahay waa
Saxaraw nin ii daran
Dub u eegan maayoo
Daawo nama dhax taallee
Maye danaba deenii
Wiilashii diraan jiray
Kici door labaadkii
Ha sabayso doontuye
Doorashiyo asxaablaw
Digtoonaw rag waa kane
Walee doolo loo guur
Duulaan la heensee
Walee dooyo tarantiyo
Col weynuhu is deydayey
Walee dogobyo noolee
Raggii daalanaan jiray
Dunqulaalka laba geli
Walee geedkan dararaye
Dirirada ka maarmaye
Durdur aan go’ayniyo
Wabi diiqalyeey iyo
Dooxo lagu waraabshee
Yidhi wiil ma dumi karoo
Danab wuu ku soo dhici
Walee daba ka naaxyada
Danyaraha ka loogtaye
Deyn hore ku maqanyahay
Waran kayga waan dari
Walee darab nijaasyada
Dhiiggii dad weynaha
Dardarsaday wadaamaha
Dhunkaal waan durduursiin
Walee fooqyo dahabiyo
Ragga daaro dhiibsaday
Soo dega marwaan odhan
Mid durbaan u qaadiyo
Mid kalay dirtaan iyo
Kuwa sida direyskiyo
Dibi taatiyaashiyo
Kuwa toban dubleeyiyo
Dalan dooliyaa iyo
Daaniyaha barwaaqada
Ku dabaalanaayee
Dardarsaday wadaamaha
Walee faqash dadkeedii
Daaduumo waan odhan
Afartaa daleeyaye
Dacwad kale waxay tahay
Walaalowga duun ka ah
Dadka wada dhaqnaatii
Iyo dubu hashiisiin
Qaran digadhigii sii
Waa faral dushayda ah
Iyo waajib ila da’a
Duco aniga lay faray
Wahe! Aaran dubataa
Isma hura damqaysoo
Dab dhexdooda gelisee
Daacadiyo wadanigii
Hadday digigaxoodeen
Rag baa daawadii xidhi
Duuf laalayaaliyo
Dawac iyo abeesiyo
Dacay iyo nin liitiyo
Dalka niman u dhalan iyo
Dufan jecel basaastaa
Ayaa dalawadeenii
Afka duhur ku maaloo
Sinjigeeda doorshee
Hadduu doorkan maanta ah
Nin geyaa u dadab galo
Way u doonantee garo
Dubu naqodka sheekada
Taariikhda duugga ah
Daraad iyo wixii dhacay
Dacarey shilkeedii
Dakharada lafoobiyo
Nabarkaan damqaayoo
Daman waxaan is leeyahay
Ha dagaalantee kici
Dul ahaan dadkeeniyo
Inta diir madoobee
Xoolo daaqsaney see
Caro edeg dul joogtaan
Farta boog u darayoo
Dadka waxan ogeysiin
Inu dulinku ruux yahay
Dawaduna iyaga tahay
Ila durugtay sheekadu
Tolow aan dardaarmee
Dhahar iyo dirkiisi
Dhego maw daloolaan
Ninka Daacada quudhsadey
Nabsi buu durduurtaa
Ninka maati duudsiyey
Markaluu ka deyn bixi
Nin durduriyey aashii
Wuxu daaqayaa halis
Ninka belo ku daakirey
Isagey dumaanshaa
Sidigtii nin daayacay
Isna caydh la daaduun
Ninka damac hogaanshaa
Sharaf way is dooyaan
Nin adduunyo daba galay
Way danbaabidhaa jeer
Madaxnimo nin deydayey
Keligii dabely raac
Dhilow yahankan dararoow
Geed kaad dula saarayd
Soo deg buu ku leeyahay
Dooni qaranku leeyahay
Jiirkii dalooshoow
Inaad degi ka faalood
Dinad yahay libaaxiyo
Aarkii dabooliyo
Dawri baad is moodee
Haddii laysu duurxulo
Ogow habardugaagii
Dunta boqorka kugu xidhay
Markay duub amaaniyo
Xilka kaa dilaacshaan
Duleed xaabistaadiyo
Dooli aad shidaysiyo
Dabataad ku noolaan

Mareeg Diid Dib U laabo

Dhanka kale 1993-kii ayaa dawladda Maraykanku waxa ay ciidamo la odhan jiray UNISOM ay u dirtay
magaalada Muqdisho, oo wakhtigaa qax iyo qalalaanse ba’ani uu ka jiray. Sida iska dhacda mar-mar
badan waxa uu Maraykanku isku haystaa in uu isagu masuul cad ka yahay dhammaan waxii daafaha dunida
ka dhaca. Abwaan Axmed Aw-geedi isaga oo ka xun dhibaatooyinka uu Maraykanku u gaysanaayo dawladdaha
Islaamka ayaa waxa uu ka tiriyay Maanso caan ah oo la yidhaahdo “Mareeg diid” oo soo baxday 1993-kii
horraantiisii. Erayada maansada ku jira marka aad dhuuxdo waxa aad ogaanaysaa sida qiimaha leh ee uu
abwaanku ugu talax tagay in u ina tuso ceebaha Maraykan, iyo dhibaatooyinka uu dunida ku hayo, waxa
uu sawir guud inaga siinayaa in meeshii dan ugu jirto uu tago, waayo xasuuqii loo gaystay dadkeena
kama hadli jirin, maqaaxida u shidan ee UN-tuna waa mid uu isagu ku hor kaajo waxii uu doonana uu ka
sameeyo. Ducada abwaanka iyo dhiirigalintiisu waa mid aynu insha’allah rajaynayno in ay mar uun
dhacdo. Waxa ka mid ah haddii aan tuducyo ka mid ah, idin ka soo qaado kaydka qoraalkayga sidan

Wuxuu yidhi:

Rag Allaw mamaqasheen
Wuxu yidhi maraykaan
Muqdishiyo hargaysaan
Ku maydhaamayaa xoog
Anaa dunida maamulla
Hadhacaan maraykaan
Iyo kuwa kumaranee
Isku mad-habyihiin iyo
Mugdiyow gumays taha
Ku qadhaabta maaraha
Qaramada midoobiyo
Majliskay kufaanaan
Waa maqaaxi reer Yurub
Iska maamushaannoo
Maqal iyo shaqaala leh
Waxa qaba maraykaan
Butruskaad maq-maqasheen
Waa yuhuud midawdiyo
Mulxid gaalo wadatoo
Muslinkay kudagayaan
Iyo carabtan moodka ah
Saw maraykan ma ahayn
Fiidnaam ninkii miray
Saw maraykan ma ahayn
Falastiin ninkii madhay
Saw maraykan ma ahayn
Qudus kii mahoobiyay
Saw maraykan ma ahayn
Mulxidkii Ciraaq jaray
Saw maraykan ma ahayn
Ka Suuweeto maaruqay
Saw maraykan ma ahayn
Gaara naada kii miray
Saw maraykan ma ahayn
Baanama maskii galay
Saw maraykan ma ahayn
Ninka jaray mareegaha
Saw maraykan ma ahayn
Ka dhufsaday misciriraha
In maraykan xeerkiyo
Xuquuqaha dadka u simmo
Ninka moodayaw taa
Maad jirin gu’ iyo laba
Xagguu jiray maraykaan
Markii shicibka mootiyo
Madfac lagala daallee
Maalootigii jiray
Xagguu jiray maraykaan
Markii shicibka miigiyo
Miiraajku toocshee
Maydku sheeda tuulaa
Xagguu jiray maraykaan
Markii mooradeenii
La mar-mariyay kaaraha
Xagguu jiray maraykaan
Markii Boqol magayda ah
Makastiyo carruuraha
Laga dhigay shuf iyo murug
In galbeed miciiniyo
Mukhlis iyo tol nooyahay
Ninka moodayow taa
Bal miliilic Falastiin
Samra iyo Shatiilaba
Malyuun baa lagawracay
Makas iyo carruuro leh
In galbeed miciiniyo
Dhibaad noogu maqanyahay
Ninka moodayaw taa
Malkadii Baqdaadiyo
Beerihii Furaad maye
Miigbaa dhex qaadoo
Waa danbas madaw iyo
Xinjir aan milmaynine
In galbeed miciiniyo
Diiqo noogu maqanyahay
Ninka moodayaw taa
Kashmiir mahadhadeedaa
Naftu muusanawdaa
Waa la mooraduugoo
Boqolaal magaydaa
Jeel lagu maxbuusoo
Manfacoodu ude yahay
In galbeed miciiniyo
Mukhlisiyo tolnooyahay
Ninka moodayaw taa
Boosniya ma’moog tahay
Inta gaalo magacliyo
Murtad baa ku xayatoo
Sidii midhihii doocaan
Dharaar baa lamuudsaday
Malkadiyo rugtoodii
Waa laga midhtirayaa
Haddaan mawlahay bixin
Emnastiidi murankiyo
Maxaabiis udoodadi
Xageebay kumaqan tahay
Ragbaa mooyo qooqaal
Musku dhuumanaayoo
Raba inay miskeedaan
Mar labaad hasheenee
Taa miyaan kayeelnaa
Baarliin marbay ahayd
Madal laygu iibshaye
Mawdbaan kaxigayaa
Mar labaad in laydago
Magli lay afeeyaa
Maqlayaa rigtiisoo
Midaa layla sugayaa
Seexo miyaan ka yeelaa
Isticmaarkii mamayee
Muuf nidhi sitiinkii
Isa soo mal-mala oo
Kaanbeeganbaa miis
Maantana dultaaloo
Musku wuu sanqadhayaa
Wuxuu maagan yahay waa
Ciiddeenan mudanka ah
Innuu naga mahoobiyo
Wuxuu maagan yahay waa
Dahabka iyo maadhkiyo
Macdanteenan hodan ka ah
Inuu xeel kumaamulo
Ninku waa macaash doon
Wuxuu maaganyahay waa
Inuu reer majuusiyo
Yuhuud noo muquunshoo
Uu midiidin naga dhigo
Muslinoow laguu sheeg
Allahayoow kamarag noqo
Geerida murwaadka leh,
Muslim kama cabsooddee
Ninkii mawd hayoow keen
Cag weynow maroodiga
Mas laayaanabaa dila
wiyil maara diidaba
Gantaal baa umeel yaal
Geri waayo meeraba
Adammaa maruun hela
Maajeenta qarafiyo
Midhuunbaa kutuuraa
Unisom horaysiyo
Unisom danbaysiyo
Waligoodba magaciyo
Haayad aan midhqaban iyo
Hay malamaleeyaan
Waa midab shabeeleyn
Wiligoodba maamiyo
Hadba macatab xaradhliyo
Haayad aan midh qabiniyo
Shinbir- malab sideedii
Hayska kay dhexmeeraan
Waa sahan imirayiyo
Masaawaad ujeeda leh
Waligoodba qiilmadhan
Qosol meelna aan jirin
Foolka hayga muujeen
Waa gabarey maanyiyo
Dayo maadaheedii:

Garoy Garo Daa Dib U laabo

Wuxuu yidhi:
GAROY GARO DAA

Gorooy garo daa oo garaan daa
oo garbo cas daa adna giirooy
Ka gu weynide guuxa hoosiyo
Gardarada daa

Talo gumaro ah Aan godlee qabo
Aan gahaydhiyo Geydhaheeniyo
Manka guranee Hayna digo gubin

Gob colowdaa Way gumawdaa
Yaanay giiriyo Gees biciidliyo
Goolka naaxiyo Qaanku goosmine

Haday gocoriyo Ina garashuun
Dareen kala galo U gar qaadoo
Gadh cadaa iyo Guurtida u waca

Geydha dirirtiyo Gufaacada hore
Ugeybkaa go, a Yeynaan gaabane
Galeydh yeyntiyo Guubaabada dhima

Gurta bidixeey Gacantaa midig
Waad gudboontiin Ha garaaxine
Is gargaarsada Oo is garabsada
Sumalow darbane Dib U laabo

Wuxuu yidhi:
Dadku waa hayaan Roobaa kada`ay
Daba taxantiyoo Sahan doodiyiyo
Horseed baa la direy

Cir daroorey iyo Daruuraha onkodey
Doog dhabashadii In la duulo saw
Damac muu ahaan

Dalan doolayoo Waan daaley iyo
Halanoo degiyo Awraha dabaal
Doorkan waa la nacay

Waxa jira dugaag Weer daaliniyo
Aar iyo dadqaad Derimaha ka badan
Dib u feejignow

Xil daruuran baa Dumadaada sudhan
Nayl daba yar iyo Deylooy laxdii
Yey kaa dib jirin

Sumalow darbane Naylaha duduuc
Oo dooxo gee Oo damal hadh geli
Oo dacawadii Dabada hunbul layd
Yey kaa daldalan Yey kula dul Marin
Agabare Dib U laabo

Wuxuu yidhi:
February 3rd, 2010admin

Agabare, waa mid ka mid ah maansooyinka Abwaan,
Axmed Aw Geeddi (Dheeraad), waxaanay ka mid tahay saddex
Maanso oo hal-abuurrada: Hadraawi, Axmed Aw Geeddi
iyo Xasan Ganey ku soo ban-dhigeen Huteelka Imperial
ee magaalada Hargeysa, 29/01/2010. Inkasta oo
Maansadan Agabare ay soo baxday wakhti hore, waxa
bandhiggeedu ammin tan daarran yahay; iyada oo
wacyiga maanta taagan saamayn ku leh. Iyada ayaa Maansadu
is macnaynaysa oo ku tiigaali mayno’e,
waxay ku ibo-furatay sidan:

Waa goob qurxoon
Waa gole la bilay
Waa guri dugsoon
Waa garangar wacan
Waa geed malko ah
Waa shuqul gobeed
Gaaridu mashxarad
Googeysayoo
Geereershihiyo
Guun iyo abwaan
Laga wacay gabyaa
Anna garashaday
Aan soo godlee
Rag alloow gudoon

Libta aan wax garad
Waayeel goosan karin
Gaban sooma helo
Gurboodow yaryare
Wey gabaabsidaye
Goormaa kacdeen
Goormuu Nin ragi
Nacas garabsan jiray
Goormuu hacoo
Geela raaci jiray
Goormuu kasgaab
Garta qaadi jiray
Goormuu bakhayl
Gool loogi jiray
Goormuu fuluhu
Geli jiray rogaal
Goormaa baroor
Baqal gaadhi jiray
Goormay gabniyo
Madi geel sinmeen
Goormaa halyeey
Gocor maagi jiray
Goormuu atoor
Aar guhaadin jiray
Goormay dhalool
Galool mudhay ahayd
Goblantooy adduun
Waa galinba cayn
Gedaan loo filayn
Ayey gudo wadhaa

Afartaa gutaye
Gibin kalena waa
Gabbal kaa tagaa
Ma gadaal noqdoo
Lama Gaadho shalay
Wedka lama gafiyo
Godka aakhiroo
Wakhtigaa is gura
Sadaan guullahay
Gasiin kaaga dhigin
Lama goosan karo
Wiyil lama ganiyo
Gool wadata qaan
Aar looma galo
God madaw ku jira

Lama goosto ciin
Lama gado abaal
Lama gooyo wacad
Lama geysto eel
Gar allay taqaan
Laba kuu gudboon
Agabare ha gelin
Afartaa guntaye
gees kale jaleec
Intaad guunyo kale
Galab raaci leyd
Geel dhaqaa ka roon
Intaad gaaf nin kale
U gangaami leyd
Guursaa ka roon
Golli bey idaha
Gol u wada hoydaan
Waa midaan i gelin

Goosan lumay habeen
Weer wuu gafaa
Waa midaan igelin

Dayax gaafan baa
Gudcur dhaamayaa
Waa midaan i gelin

Gu’ hagaagay iyo
Jiilaal gudboon
Waa midaan i gelin

Gaari dumara bey
Goonbaar sinmeen
Waa midaan i gelin

Gari laba Nin bay
Guusha u sintaa
Waa midaan i gelin

Nabad lagu gamiyo
Colaad baa gudboon
Waa midaan i gelin

Gool sagaal jirana
Guduraa ka roon
Waa midaan i gelin

Hoobaan gobeed
Gomoshaa ka roon
Waa midaan i gelin

Geel toosiyaa
Jiir u goodiyaa
Waa midaan i gelin

Gal dad liqa nin ogi
Sahal buu u geli
Waa midaan i gelin

Gurdan iyo col buu
Galaw aamusaa
Waa midaan i gelin

Gaadeeraday
Gabadano dishaa
Waa midaan i galin
Waxse gawsha iyo

Nimaan guunyo dhaqan
Ganuun buu dhamaa
Waa mid aan i gelin

Gocoshada ku simay
Geedkay tiqiin
Ayaan loo golayn
Ged kaley u taal
genaw xajadii
Guu-guulihii
Xalay ciyay galbeed
Ma gafbuu tirsaday
Haddaan laba is gaya
Calaf ba isu gelin
Sidee loo galaa
Galadiyo samaa
Guulaa baxshee
Gucle laguma helo
Godobeey ninkaa
Waad garaneysaa
Gardarooy miyaad
Garab iga heshaa
Waa duni gablool
Gebagabo ku dhow
Guurti murantayoo
Is guhaadisoo
Kala guratayoo
Dumarku u garniqi
Gadhweynow midhkaa
Goosh kanaan arkee
Way ganacjabtee
Taariikhda gali

Maska good ahiyo
Guuleed markii
Tolow loo garnaqay
Kee guusha helay
Mise waa gayaxan
Gees iyo gafuur
Gar jiileed tashigu

Nin ka guday sharciga
Gawracay wanaag
Garawshiiyo neceb
Naca gaamuriyo
Gadaafada waqii
Gaar kuma ahee
Waa garab ku daaq
Sow tuu genow
Beri geedna yidhi
Gudinyahay badhkay
Yaad garabsatee
Imaad goyn karteen

Shan kastoo la gado
Ama cadow gumudo
Ma gadmee xaquye
Wuu gadaal baxaa
Gardiid waxan ku idhi
Geel doonabaa
Geeso dhiiglihiyo
Gebogebo dhashee
Gacalow ka joog
Waxaan ganac lahayn
Afartaa gudbaye
Galka hoos u raac

Goloof iyo hal gudhan
Gaawaha u culo
Waa hal aanan gayin
Ruux kula gudboon
Gaadiid u noqo
Waa halaanan geyin
Waxaan kuu gadnayn
Guudkuun u rido
Waa halaanan geyin
Samo waan gartaa
U gargaar xumaha
Waa halaanan geyin
Marka goojo boob
Qaalmaha gu rimi
Geel jire u xulo
Ina goray cilaan
Teenana gadhloow
Bal maxaa gulaan
Garaabiido qaba
Haydalas guracan
Baqal gawso wayn
Geela uga dara

Maxaa inan golyeed
Geesiga dabree
Garba duub u xidha
Nacaskana go iyo
Garaadada u tola
Waxba yaan go’dooy
Af gobaadsanine
Gaasiraay ma dhalan
Wali muu gadhayn
Wiil kii gugeer
Garka kugu xidhee
Guur uga fadhiday
Afartaa guntaye
gaalgaal mid kale

Nolol aan gudneyn
Godka aakhiriyo
Geeraa ka roon
Gabno aan waqeed
Gaawe laga dhameyn
Giiraa ka roon
Badda guuxda een
Galaan laga dareyn
Goof baa ka roon
Gundhig iyo tilmaan
Wuxuu gabaygu yidhi
Gini lacag ahiyo
Guuf iyo qadhaab
Ninka goobayee
Gowsuhu dirteen
Muu gudan xilkii
Loo garabsadee
Waxa goortan guda
Waan garanayaa
Waa ragiyo geel
Iyo gool libaax
Iyo gaade faras
Iyo gabadh an curan
Afartaa guntaye
Wuxuu yahay go’aan
Nin gurrani waqii
Ha gadaal ceshee
Waa iga go’aan
Markaan gogol wanaag
Geeddiga ku furo
Inaan beesha guban
Gacan siiyo oon
Gaadiid u diro
Waxaan goobayaa
guri Lagu nastiyo
gole loo dhanyiyo
gobeey caadadaa
Gurgurshaaga iyo
Waxaan gibil ma diid
Caynka ugu gubey
Ha gayoota oo
Guri rays leh iyo
Guryo samo ku furo
Waxaan gorofka iyo
Gaawaha u culay
Guga inaan ku shubo
Dhay iyo galxood
Gobaad laga lisee
Soo godol casuur
Guullow allaw
Na gargaar adaa
Samo garanayee
Guulow allaw
Guri roon na gee
Oo geel ku dhalay
Oo gacal fadhiyo
Oo gudini taal.
Gaboobow tixihu
Waa gooli baadh
Adaa garanayee
Sii gaasa bixi
Gaadhsii ragii

COMMENTS
Latest News