Yoolnews.com
Isticmaalka Wikipedia ee Dalka Ciraaq oo Bilaash laga Dhigay
March 1, 2017 - Written by admin

Dadka reer Ciraaq ee isticmaala adeega shirkadda taleefoonada ee Asiacell ayaa si bilaash ah u isticmaaali kara adeega Wikipedia, sida ay shirkaddu sheegtay.

Qorshahan ayaa qayb ka ah hannaan bilaash ah oo shirkaddu horay uga dhaqan galisay 59 dal tan iyo 2012kii.

Mu’asasadda Wikimedia ayaa sheegtay in ay doonayso “in ay cilmiga aadanaha” gaarsiiso intii ay awoodo ee dad ah.

Si kastaba ha ahaatee dadka qaar ayaa ku doodaya in mashruucan oo kale uu liddi ku yahay shuruucda dhexdhexaad nimadii khadka.

“Dhexdhexaad nimada khadka ayaa ah sharci dhigaya in la simo qiimaha khadka,” ayuu yiri Joe McNamee oo madax ka ah European Digital Rights group.

Mashruucan bilaashka ah ayaa Ciraaq ka bilaabanaya 28 Feebaraayo waxaana lagu soo bandhigay shirka Mobile World Congress ee Barcelona.

Sarmad Saeed Yassen iyo xaaskiisa Ravan Jaafar Altaie ayaa si mutadawacnimo ah tafaftireyaal uga ah Wikipedia dalka Ciraaq, iyaga oo tifaftir ku sameeya Carabiga iyo luuqadda Kurdish-ka.

 

Xigasho BBCSomali

COMMENTS
Latest News