Yoolnews.com
Dhibaatada Uu Leeyahay Mobilka Oo Hurdada Kahor La Isticmaalo
February 22, 2017 - Written by admin

Waxad ogtahay in telephone-ka gacantu uu noloshan casriga ah kamid yahay waxyaabaha lagama maarmaanka u ah nolosha, waxad kaloo ogtahay Baraha bulshada kuwooda lagu wada xidhiidho oo ay moobiladu inoo sahlaan istocmaalkoodu ay iyaguna noqdeen waxyaabaha dhalinyaradu ku mashquulaan ee dhiiggooda raacay, waxad sidoo kale ogtahay in da’yartaasi ay habeenkii u isticmaalaan baraha bulshada si kabadan waqtiyada kale.

Haddaba Akhriste; Ma u malaynaysaa in wax dhiibato ah uu kugu yeelan karo moobilkan aad habeenkii isticmaasho hurdada kahor? , haa waan umalaynayaa dhe, waayo haddaad maalinkasta ugu yaraan hal saac eegto cad-cedda, maya 1 saac waa wax badan kaba dhig saacad badhkeed 30 daqiiqo xilliga ay ilayska badantahay waad garangartaa in ay dhaawac u gaysan karto indhahaaga ,waxyeellona soo gaadhayso dareemaha araggaaga. Sidaa awgeed waxan halkan kuugu soo gudbinayaa shan dhibaato oo kadhalankara isticmaalka moobilka xilliga habeenkii. Waxa jira wax layidhaahdo ‘’iftiinka buluugga ah‘’ oo ay moobiladu soo daayaan ama ay bixiyaan xilliga la isticmaalayo habeenkii, iftiinkaas oo hor istaaga ama aad u yareeya in jidhku soo daayo hormoonka MIILAATOONIINK-ka oo ahmiyad wayn u leh xakamaynta iyo maamulidda habka sahqo ee jidhka, gaar ahaan wareegga seexashada iyo soo tooska, sidaa awgeed marka uu khal-khal ku dhaco shaqada hormoonka miilaatooniinka waxa aad looga war-war qabi karaa ilaa xad in qofkaasi ay ku dhacaan xanuunada ay kamid yihiin KANSARKA & DIIQADDA.

Bar ( Website ) laga leeyahay waddanka maraykanka oo lagu magacaabo Business-Inside, ayaa lagu baahiyay halisaha uu sababi karo IFTIINKA BULUUGGA ah ee ay telephon-ada gacantu soo daayaan. Waanakuwan dhibaatooyinkii oo qodabaysan. Qodobka 1aad: Wuxu iftiinka buluugga ahi jug wayn gadhsiiyaa qaybta araga xalisha ee isha, taas ayaa ah sababta ay dhakhaatiir badan u sheegeen in iftiinkaasi uu sababi karo waxa loo yaqaan Bara-barawga isha, kaas oo qofka u horseeda inuu waayo aragti-xuduneedka oo uu awoodi waayo inuu arko walxaha u dhaw-dhaw ee hortiisa yaalla.

Qodobka 2aad: Waxa sidoo kale uu xidhiidh kadhaxaynkaraa DABOOLANKA bikaacisada isha iyo iftiinka buluugga ah. Barta Business-Insider waxay soo markhaati gashatay dhakhtar ku takhasusay caafimaadka indhaha, wuxu yidhi: “ Waxa xaruntayda iigu yimaadda dad dhalin yar oo da’doodu u badantahay 35 jir, waxay kawada cabanayaan BIKAACISO-madoobaad oo waxaadba mooddaa inay ku jiraan da’dii 70-tameeyada!”, dhakhtarkaasi wuxu ku adkaysanayaa inuu xidhiidh kadhexeeyo labadaa arimood ( Xanuunka bikaaciso madoobaadka iyo iftiinka buluugga ah ). Qodobka 3aad: Iftiinka buluugga ah waxa suurta gal ah inuu bur-buriyo habdhiska hurdada , oo sidaynu hore u soo sheegnay iftiinkaasi wuxu shaqada ka joojiyaa hormoonka miilaatooniin-ka oo kaalin mugleh kaqaata iskudubaridka iyo diyaarinta wareegga ama habdhiska hurdada, haddii qofka ay lasoo darsaan hurdo la’aanna waxan laga aamin qabin DHIIG-YARAAN & XIFDIN-XUMAAN ku dhaca.

Qodobka 4aad: Cilmibaadhayaal dhawr ah ayaa sheegay inuu xidhiidh kadhexeeyo I.B iyo xanuunka kansarka, gaar ahaan kansarka naasaha iyo qanjidhka Borostaat-ka. Akhriste; marka laga yimaaddo in hormoonkan miilaatooniin-ku uu kaa caawiyo inaad seexato hurdo fiican, waxa kale oo uu jidhka kala dagaalamaa inay ku faafaan dheecaano sun ah. Qodobka 5aad: Iftiinka buluugga ah ee mobilkaagu indhahaaga kusoo daayo waxa kale oo uu sababaa cafiimaad xumo nafsi ah. Sida baadhitaano badan lagu ogaadayna dadka ugu badan ee kacawda diiqaddu waa dadka uu hormoonkoodii miilaatooniinku shaqadii gabay. Akhriste; Aniga laftaydu kadib intaan u kuu-galay inaan wax ka ogaado caafimaad xumada kaiman karta moobilada habeenkii lagu saamalaylo, kaddib intaan diyaariyay qormadan; waxan go’aansaday inaan gebi ahaanba joojiyo isticmaalka baraha bulshada ee habeenkii. Adiguna waxan filayaa inaad sidaa ila qaadan doonto ama ugu yaraan haddad iska dayn kari waydo aad yaraysato ama aad fiidka hore uun ku eekaato. Ilaahay subxaanahuu watacaala hainagu mashquuliyo, oo hayna fahamsiiyo kittaabkiisa.

COMMENTS
Latest News