Yoolnews.com
Xukumada Oo Bilawday Olale Ay Taageero Ugu Doonayso Mashruuca Madaarka Berbera
February 6, 2017 - Written by admin

Hargeysa(Yoolnews.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa bilawday olole ay taageero ugu raadinayso meelmarinta mashruuca kiraynta Madaarka Berbera oo sida lagu wado ay fadhiisin ciidan kasiisay dawladda Imaaraadka Carabta.
Warar shebekadda Yoolnews.com ka heshay ilo lagu kalsoon yahay waxay sheegeen in Xukuumaddu Xalay madaxtooyada uga yeedhay qaar kamid ah Xildhibaanada Guurtida iyo Wakiilada, kuwaasoo sida wararku xuseen Xukuumaddu ka dhaadhicisay inay ogolaadaan mashruuca Madaarka Berbera marka Madaxweynuhu codsado fadhi-wada jira oo labada gole yeeshaan. Waxa kaloo wararku intaa ku dareen in Xukuumaddu ugu balan-qaaday Xildhibaanada ay Xalay la kulantay abaal-gud dhan $30000 oo Dolarka Maraykanka ah.

 

Yoolstaff

 

Wariye, Xamse Jirde Axmed

Yoolnews.com

COMMENTS
Latest News