Yoolnews.com
Xildhibaan Qabiile Oo Talo Iyo Dar-Daran U Diray Guurtida Iyo Wakiilada
February 6, 2017 - Written by admin

Hargiesa(Yoolnews.com)- Xildhibaan Qabiile Oo Kamida Golaha Wakiilada Somaaliland Ayaa Talo U Soo Jeediyay Mudaneyaasha Golaha Guurtida Iyo Wakiilada, Waxaanu Hadalkiisu U Dhignaa Sidan,  Maalmahan Danbe Waxaa Bulshada Reer Somaaliland Jah-wareeriyay Saldhiga Milateri Ay Xukumadu Ka Siisay Dawlada Imaaraadka Carabta Iyadoo Madaxwayneha Jamuuriyada Somaalildn Boga Hore Ee Jaraayidka Qaarkood Ku Cadeeyay In Uu Labada Gole Ee Sharci Dajinta Si Dhekhsaa Ugu Soo GUdbin Doono Si Ay U Ansixiyaan hadaba anigoo kamida mudenayaasha labada aqal ee arinkani quseeyo waxaan jecelahay inan saaxiibaday xusuusiyo qodobo dhawra,  mudaneyaal ama istul taaga qodobka 53aad ee distoorka qaranka jamuuriyada somaalilan ama u gudooma qodobka 38aad ee distoorka qaran oo til maamaya fadhi wada jira oo labada gole ee sharci dajinta kaga baaraan dagaan heshiis caalamiya ama goboleed mudaro iyo munaafac wuxuu qaranka u leeyahay,  sidii ka dhacday arintoo dubia word ee sida sibixdaa u dhaaftay golaha wakiilada taasoo loo adeegsaday laba weedhood oo xeer hoosaadka golayaasha

aan meelna kaga aroorin xiliyo waajib gudashada ka fog weedhahaasoo ah duu,duub halagu codeeyo iyo halaga doodo iyo shirgudoon ku tiraaba labadaa soo jeenidood haloo kala codeeyo, mudane wax duu duub layidhaahdaa meelna kagama cada heshiiska noocan oo kalaa in sidaa fudud loo yidhaa erayadan culayska arinta ayleedahay kala gudboon labada gole ee loo iclaamiyay in arintani u soo gudbayso, arinkani wuxuu u baahanyahay  ka baaraan dag baadhitaano la taliyayaal sharci, jiyo boroo tii shanis  (geoplotical experts) kuwaas oo ay golayaashu khibrad dheeraada iyo fahan qoto dheer u adeeg sadaan saldhiga go,aankooda iyadoo laga fogaanayo in waxkasta umadan qaranimadeeda khal-khal galinkara laga durko waxaanu sharcigu jidaynayna lagu ibaaxeeyo, waxaan caad inaga saarnayn in xukumadan ayku jirto maalmihii ugu danbeeyay ee mudo xileed keeda duruufaha adage e inagu gadaaman ka sokow sida abaaraha oo riiqday dad iyo xoolaba taas oo ilaahay ka rajay nayno in curashadan ilaahay raxmadiisa inagaga saaro xaalada abaarta, sixir bararka oo gaadhay halkii ugu saraysay inta shaqaysaa oo tiro yar oo xadidana, uma baahna umadani miidaan day la,aan iyo jar iska xoornimada aan dariiq sharci loo marayn kiraynta iibinta iyo wareejinta kaabayaashii laf dhabarta u ahaa umadan nolasheeda iyo jiri taankeeda qaranimo, maanta waxaa yaala kalsooni daro shinkeedii dhaaftay oo la soo gudboo naatay waalacay bulshada reer Somaliland ka qabaan 165 masuul ooy gacantooda ku doorteen hadii masuulka dabarka

sharci xidhi waayo oo ayku idishahay dhaowr sanan tiisu, taalaaboyinka la qaadayaana ku salaysnaan waayaan sharciyada iyo distoorka uu qarankani dhigtay waxaa taa macnaheedu yahay dawlad la,aan mudaneyaal reeryar oo qabiila ayaaka maarmi waayay xeer ay dhigtaan, Hantida u way nee umadan ka dhaxaysaa waa distoorka qaranka iyo shuruucda ka farcanta mudaneyaal naa-naysta arintani ama dhaawaca ayla timaadaa waa boog kutaala labada gole ee sharci dajinta hadii aanay kamarin dariiqa xaqa ah iyo waajib distooriya, masuulna waxayka noqondoonan dhankasta oo loo dayo midau masuuliyadooda qaadi doonaan, hadaba anigoo kamida masuuliyiinta digniintu ku socoto arinta maanta taagani mid dareen keedu sokeeyo maaha gudaha iyo dibada dalkaba diiradaa u saaran muwaadin kasta oo somaaliland-ah daafaha dunida halkuu doono haka joogee sidaa daraadeed intaynaan haadaanta isdul taagin waxaanku talinayaa inlaga fiirsado waxyaabaha halbaw layaasha ah inay siyar u lumiso xukumadani caadaysatay hadhoow toolana idinkaga xuub siibanayso inaad is daba qabataan somaalidu waxay tidhaahdaa cimri  tagay ceeb laguma sabootiyo  nabigeenu (scw) ninka laaluush qaata iyo ka bixiya labaduba  waa ehlu

naar, dad islaam ku abtirsada ayaynu nahay culumaduna ilaa intii aynu jirnay way ina waani nayeen, arintana waxay noqon doontaa mid lagu cimra qaato, hadaladan dareen galintaa iyo qormadan kooban waxaan kaga tagayaa gabaygii abwaan maxamed c/raxmaan xaaji jaamac ee ahaa,

 

qarniyada ragii jiray cidlay qulub la jiifaan

waxay la qarwayaan laylka dhexe qaadan kari waa

culimada qubta lihi waano waynagala quusteen

daaxay abwaanadu qoreen sheeka qaaliya

quruuntii lumaysaa nasteex ugama qaataan

 

Allaa Mahadle

 

Qalinkii” Xildhibaan Maxamed Faarax Qaliile

COMMENTS
Latest News