Yoolnews.com
Cali Khaliif Oo Laga Horjoogsaday In Uu Cag Saaro Diyaarad Buuhoodle Ka Qaadilahayd
February 5, 2017 - Written by admin

Buuhoodle(Yoolnews.com)-Siyaasiga Cali Khaliif Gallaydh ayaa maanta malleeshiyo beeleed xoog iskaga hortaageen inuu ka dhoofo gegeda dayuuradaha ee magaaladda Buuhoodle isagoo diyaarad yar u raaci lahaa magaaladda Jabuuti .Qaarkamida

Dadka deegaanka oo  BBC La xidhiidhay ayaa waxay u sheegeen in dhawr saacadood oo kamida saaka galinkii hore ay xiisadi ka taagnayd

 

 

garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle ka dib markii ciidan uu hogaaminaayo Cabdifataax Baydan oo sheegtay taliyaha ciidanka difaaca Buuhoodle ay is hortaageen garoonka inuu ka dhoofo pro; Cali Khaliif galaydh . ciidankaasi oo hub watay ayaa garoonka galay oo xannibay diyaaradii qaadi lahayd Cali Khaliif iyo wafdigiisa .

Taliyaha ciidankaas difaaca Buuhoodle Cabdifataax Baydan wuxuu BBC u sheegay galabta in diyaaraddii ay sii daayeen , Cali Khaliif-na ay ka reebeen inuu u raaco diyaaradda Jabuuti oo uu kaga qayb geli lahaa sida uu sheegay wadahadallo u socday Khaatumo iyo Somaliland ,wadahadalladaasi oo uu sheegay Taliye Baydan inaan Cali Khaliif ku metelin dadka deegaanka Buuhoodle . BBC way isku dayday inay cali khaliif la xidhiidho telifoonka laakiinse uma suurtagelin

wararkan  safarka cali khaliif ku saabsan waxay shabakada yoolnews kasoo xigatay shabakada kala duwan oo kamida baraha bulshada somaalidu leedahay

 

 

 

 

 

Wariye, Xamse Jirde Axmed

 

 

Yoolnews.com

 

Hargiesa Office

 

COMMENTS
Latest News