Yoolnews.com
Maayarka Berbera Oo Sharci Daro Kudhistay Hudheel Uu Lahaa Ganacsade Marxuum Suufi Xasan
February 4, 2017 - Written by admin

Berbera(Yoolnews.com)-Maayarka magaalada Berbera C/shakuur Cidin ayaa faasaxay qaybo ka mida dhulka Hotelka Qadiimka ah ee Dul-cariish oo ah bogcad mudo ka badan nus qarni ay mulkiyadiisa lahaayeen Qoyska reer Xaaji Cilmi Nuur oo ah qoys ka caan ah deegaanka Berbera, isla markaasina ah qoys culimo ah oo ixtiraam iyo karaamo badan ku dhex leh guud ahaan Qaranka Somaliland . Arinta kusaabsan boobka Maayar Cidin ee hantida Ummadda oo maalmihii u danbeeyey aad looga dhex arkaayey Warbaahinta maxaliga ah ee Somaliland ayaa waxa eedo culus Maayarka Saxaafada u mariyey Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi oo ah masuulka qoyska leh mulkiyada dhulkan, Isagoo isla markaasina sheegay in Maayarku boob cadaana ula soo badheedhay hantidoodii, dhulkan oo ay sharciyadiisa haysteen mudo ku siman ilaa 1950-gii xiligii gumaystuhu dalka haystay isla markaasina ay meeshu ahayd hudheel qadiima oo caan ah isla markaasina bulshada reer berbera ay ka wada dharagsan tahay cida iska leh mulkiyadiisa. Arintan oo falal nabadgalyo daro oo baahsan ka abuuri karta magaalada ayaa ilaa hada aanay ka hadal masuuliyiinta Xukuumada ee heer gobol iyo heer Qaran toona , Sayid Muxamed ayaa sidoo kale baaq u diray Xukuumada iyo Bulshada reer Somaliland-ba in wixii dhibaato ah ee ka yimaada boobkaas uu ku hayo Maayar Cidin in uu masuul ka yahay Maayarku. Dhinaca kale Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland waxa ayaa warqad lagu joojinaayo dhulkan Maayar Cidin ka boobayo Qoyskan usoo dirtay Maayar iyadoo isla markaasina hada la hakiyey dhismihii uu Maayar Cidin ka waday goobtan Iskusoo wada duuboo Maayarka Berbera ayaa sanadihii u danbeeyey hadba qayb kamida dhulka Qoyskan usoo sharciyeynaayey qaybo kamid Qaraabadiisa iyo Xildhibaan ka mida Golahiisa Deegaanka oo isagu haatan xoog ku dhistay badhtamaha dhulkii qoyskani mudada dheer lahaa iyadoo isla markaasina waqti xaadirkani Maayar Cidin Damacsan yahay in uu qay kale oo kamida dhulka qoyskan siiyo xubno kamida qaraabadiisa dhawdhaw oo mudo damac kaga jiray

 

Yoolstaff

COMMENTS
Latest News