Yoolnews.com
Baanka Dhexe oo Diiday Qabashadda Shilinka/Somaliland + Ganacsatada Cashuurta la Wareegaya Iyo Kastamka Berbera oo Badeecado la Ceeyoomay
February 4, 2017 - Written by admin

Hargeysa(Yoolnews.com)-Baanka Dhexe, ayaa diiday qabashadda Lacagta Shililnka Somaliland ee ganacsatadu ugu talo-galeen inay kusoo cashuurtaan badeecadaha ka yaal Kastamka Berbera. Sidaa waxa Shabakadda Yoolnews u xaqiijiyey mid ka mid ah ganacstadda dhacdadani la kulantay oo codsady in aan Magaciisa la sheegin.

Waxa kaloo, wararka amuurtan la xidhiidhaa intaa ku dareen in aanay jirin sabab macquul ah oo masuuliyiinta Baanka Dhexe ku sababeeyeen diidmadooda, hase-yeeshee waxa iluhu tibaaxeen in Masuuliyiinta Baanka Dhexe ganacstada ugu jawaabayeen oo keliya in ganacstadu Lacagahooda la tagaan goobaha ay ka yaalaan badeecadaha ay rabaan inay kusoo cashuurtaan.

Talaabadan ayaa ah mid haddii sidaa ay kusii socoto sababi karta inuu dalka ka dhaco dhaqaale-gariir baahsan oo aan abid loo maara helin, waxa kaloo iyana macquul ah in arrintani tahay mid dabada ku haysa ujeedooyin qarsoon oo Xukuumaddu ku doonayso inay dhaqaale burbur ku rido shirkaddo si gaar ah ay u bartilmaameedsanayso.

 

 

 

 

 

 

Yoolstaff

COMMENTS
Latest News