Yoolnews.com
Xukuumadda oo Tikniko ku Weerartay Xarumaha TELESON, DAHABSHIIL Iyo Oomaar ee Berbera
February 2, 2017 - Written by admin

Berbera(Yoolnews)-Cutub ka tirsan Ciidamada la dagaalanka Argagixisadda ee loo yaqaan RRU-da, ayaa fiidadowgii habeen hore waxay waaberiistay xarumaha Shirkadda Telesom, Dahabshiil Iyo Oomaar ku leeyihiin Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil. Ma jiro faahfaahin hawlgalkaas ku saabsan oo kasoo baxay ilaa iyo hadda dhinaca Xukuumadda.

Hase-yeeshee, sida lagu sheegay warar Shebekadda Yoolnews ka heshay ilo-wareedo arrinta u dhuun-daloola oo ku sugan Magaalada Berbera, Waxaa uJeedadaa Hawlgalkaasi daaranaa in xukumadu gacanta ku dhigto lacagaha shilinka Somaliland ee shirkadahaa ugu qasnada hooda,  iyadoo taa badalkeeda xukumadu uga gonle inay lacagta Shilinka Somaliland ee shirkadahaasi hore ugu isticmaalayeen adeega sarifka lacagaha qalaad inay hada u wareejiso dhinaca Baanka dhexe Somaliland.

Waxa kaloo, wararku intaa ku dareen in hawlka xukumadu u adeegsatay ciidamada ay argagax galiyeen bulshada ku dhaqan magaalada Berebera. kadib markii dadwaynaha isku qaban wayday ujeeadada hawlgalka oo ah lacago laga qaadayo xarumaha shirkadaah lana gaynayo baanka. iyo sidoo kale aminta iyo waliba hawlgalka ciidan ee baaxadale in loo adeegsaday arin ku sinaa amar qoraal ah oo loo diro shirkadahaa.

Teedakale siday wararka qaar tibaaxeen waxaa hawlgalkan diiday inay u hogaan samaan Shirkado waawayn oo ka jira gobolka Saaxil oo iyana ka ganacsada sarifka lacagaha shirkadaha diidmada qayaxan kala horyimid waxaa kamida Shirkada Sky line Majiro war amuurtaa ku saabsan oo ilaa hada kasoobaxay shirkadaha kor ku xusan, hase ahaatee hadal haynta arintani waxay ahyd mid aad uga xoog badan goobaha bulshada ku kulanto ee magaalooyinka waawayn iyo marfashyada  siyaasada lagu xawaasheeyo ee caasimada Somaaliland.

COMMENTS
Latest News