Yoolnews.com
Somaliland Oo Mamnuucday Qaybo Ka Mid Ah Baasaabboorka Soomaaliya, Amarrana Ku Soo Rogtay Shirkadaha Socdaalka, Diyaaradaha iyo Culimada
January 30, 2017 - Written by admin

Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay go’aammo ay sheegtay inay ku mabnuucday isticmaalka Baasaabboorka Federaalka Soomaaliya ee Hargeysa iyo meelaha kale ee Somaliland dhexdeeda lagu sameeyo, waxaanay Amarro ku soo rogtay Hay’ado kala duwan oo qaabbilsan Socdaalka, Amniga iyo Duullimaadyada.
Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Duulista Hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe iyo Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ay Hareero Fadhiyeen Masuuliyiinta Laanta Socdaalka iyo Hay’adaha Ammaanka qaarkood, ayaa Axaddii shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaanay ku sheegeen inay go’aammo adag ka soo saareen isticmaalka Baasabboorka Soomaaliya ee lagu sameeyo gudaha Somaliland, balse ka Soomaaliya laga soo qaataa la mid yahay Baasaabboorrada dunida kale oo lagu soo geli karo, lagagana bixi karo Somaliland.
“Waxaannu halkan u fadhinaa inaannu baahinno oo shaacinno cusboonaysiin aannu ku samaynay go’aanno hore loo soo saaray oo ku saabsan isctimaalka iyo qaadashada Baasaabboorka Soomaaliya ee lagu sameeyey ama sida ku qoran ay muujinayso in lagu sameeyey Somaliland gudeheeda. Go’aannadaasi waxay kala yihiin; in gebi ahaanba la joojiyey qaadashada, isticmaalka iyo ku Safarka Baasaabboorka Soomaaliya ee ka soo baxay ama ay ku qoran tahay in lagu sameeyey goob ka mid ah dhulka Somaliland laga bilaabo bishan jeeniwari 2017-ka.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Yaasiin-Faratoon.
Wasiir Faratoon uu Amray Hay’adaha Socdaalka, Ammaanka, Shirkadaha Duullimaadyada iyo Xafiisyada Tigidhada ku jara Baasaabboorka Soomaaliya ee Somaliland lagu sameeyey, waxaanu yidhi; “Sidaa darteed, dhammaan Shirkadaha Safarka, Diyaaradaha iyo kuwa Xafiisyada Socdaalku (Travel Agency’s) kuma jari karaan Tigidh Baasaabboorka aan kor ku soo sheegay ee la mabnoocay isticmaalkiisa, isla markaana dhammaan Laamaha Socdaalka iyo Amniga waxaa la farayaa inaan Baasaabboorkan dalka lagu soo geli karin, lagagana bixi karin, sidaa ayaa la ogeysiinayaa dhammaan Hay’adaha Amniga ee Madaarrada iyo meelaha kale-ba.”
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe oo isaguna Shirkaa Jaraa’id ka hadlay, waxa uu yidhi; “Go’aankani waa qaraar ay labada Wasaaradood soo wada saareen, waxaanu daba-socdaa go’aan hore oo ay Wasaaradda arrimaha guduhu soo saartay. Waxaynu ognahay go’aankaasi Xajkii hore duruuftuu keenay ee uu ku keenay Xujaajta, Dadka Cimrada tegaya ama Dadka kale ee Caafimaadka doonaya. Maaddaama oo aanu Xajki immika innagu soo dhawayn si aannu iyagana u sii war-gelinno, maaddaama oo aynu dal jira nahay in Baasaabboorka dal kale lagu bixiyo gudaha dalkeenna waxay u muuqataa inaanay daruuru ahayn, inay tahay wax qayrul-sharci ah oo ka hor-imanaya Qawaaniinta iyo Mabaaddiida uu u jiro dalkeenna Somaliland.”
Baasaabboorka Somaliland oo dhan inaan la mabnoocin ayuu sheegay Wasiirka Duulista Somaliland, balse loo jeedo keliya kuwa lagu bixiyo Somaliland gudeheeda ee Soomaaliya, waxaanu yidhi; “Lama mabnoocin Baasaabboorrada lagu soo sameeyo dal kale oo Baasaabboorka Soomaaliya lagu soo sameeyey Ninka sitaa wuxuu la mid yahay Nin Dhaanishi Baasaabboor sita, ama Ameerikaan sita ama Itoobiyaan sita ama Jabuutiyaan sitaa waa isku mid, Fiisaha waa la siinayaa si sharci ah, waanu ku soo geli karaa, waanu kaga bixi karaa dalka.”
“Laakiin, Baasaabboor dal kale oo dalkeenna gudihiisa lagu sameeyey waa mabnuuc, qaraarkii hore ayuun baannu ayidaynaa, waxaannu-se u soo rarnay muddadii hore oo aannu uga dhignay bishan jeeniwari ee dhammaanaysa si aannu fursad u siinno oo ugu fududayno Dadkii hore u qaatay oo aanay dhibi uga iman, sidoo kale kuwa kale ee qaadanayana ay fursad u siiso meelaha kale ee dalkaa Soomaaliya ee Baasaabboorkaa leh ay uga soo qaataan oo sidii dal kale Baasaabboorkiisa si sharci ah ugu soo galaan dalka.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Duulistu.
Waxa uu Wasiir Farxaan Farriin u diray Culimada iyo Cidda ka shaqaysa arrimaha Xajka, waxaanu yidhi; “Waxaan ayidayaa sida Wasiirku sheegay Shirkadaha Socdaalka iyo Diyaaradaha inaanay Tigidh ku jarin Baasaabboorkaa lagu farsameeyey Somaliland goob ka mid ah hadday ku jaraan ay dembi tahay. Culimada iyo Xamladaha Xajka waxaannu ka codsanaynaa inay ka tabaabushaystaan immikay wakhti haystaane ka tabaabushaystaan oo hadhawto aanay Madaarka noo soo tubin Xujaajta sidii hore u dhacday, ee ay Baasaabboorkaa ka soo qaataan dalka leh ee Soomaaliya.”

COMMENTS
Latest News