Yoolnews.com
Garbohaadlay: Soo Tallawgii Liyuu Booliska, Baadhashadii Shacabka, Gurmadkii Booliska Somaliland Iyo Baryadii Ka Dambaysay
January 30, 2017 - Written by admin

Iska-horimaad dhaawac dhaliyey, ayaa Ciidammo ka tirsan Booliska Somaliland iyo Liyuu Booliska dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ku dhex-maray shalay deegaanka Garbo-haadlay oo ku taallada Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya oo illaa 3-KM dhinaca Galbeed kaga beegan degmada Wajaale.

Labadaa Askari oo iyaga oo midkood dhaawac jabniin ah Misigta oo Xabbadu kaga dhacday ka qaba loo soo qaaday dhinaca Wajaale, ayaa ka dhaawaca ah Dawayn loogu sameeyey Cusbitaalka magaaladaas, halka ka labaadna lagaga xidhay Saldhigga Booliska. Hase-yeeshee, wadahadal dhex-maray Masuuliyiinta Somaliland iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, ka dib ayaa labadaa Askari iyo labadii Qori ee ay siteen-ba lagu wareejiyey Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, sida ay sheegeen Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Gabiley iyo Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolkaas oo shalay Warbaahinta kula hadlay Wajaale.

“Saaka (shalay) Xuduudka oo dhinaca Somaliland ah, waxaa ka dhacay iska hor-imaad. Laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Liyuu Booliska ee Killalka Shanaad ee Itoobiya, ayaa abbaaro siddeeddii subaxnimo u soo tallaabay dhinaca Somaliland Tuulada Garbo-haadlay oo qiyaastii 3-km ka xigta dhinaca Galbeed Wajaale, halkaasi waa Tuulo yar, Dad baa joogay, Dadkaas ayay Nimankaasi (labada Askari) qaab baadhasho ah kula kaceen, ka dib Booliska ayaa loo soo sheegay Warbixinta, Boolisku way ku baxeen, waxay ugu tageen labadii Askari oo sidii Dadka meesha ugu hortaagan, Ciidankeennu markii uu ku soo wareegay labadii Askari mid ka mid ah ayaa Ciidanka Rasaas ku furay, Booliskeennuna Rasaas bay ugu jawaabeen, Rasaastaasi waxay kaga dhacday Misigta oo dhaawac buu noqday, labadaa Askariba Booliska Somaliland baa qabtay, waana la soo gudbiyey oo kii Dhaawaca ahaa waxaa la geeyey Dhakhtarka, kii kalena waa la xidhay.” Sidaa waxa yidhi Badhasaab-ku-xigeenka gobolka Gebilay Cali Cabdi Cabdillaahi.

Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Gabiley oo sii watay sharraxaaddiisa, waxa uu yidhi; “Aniga iyo Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Gabiley ayaa tagnay goobtii wax ka dhaceen, waxaa iyaguna yimi Masuuliyiin ka socday ddhinaca Killalka oo iyaguna arrintaa u yimi, way arkeen, waanay ku qanceen meesha ay wax ka dhaceen inay tahay dhinaca Somaliland, garawshiiyo ayey ka bixiyeen, inay qalad dhacay tahayna way qirteen, waannu isa soo raacnay, waxaannu nimi Dhakhtarka oo Ninki dhaawaca ahaa joogo, kaasoo wixii deg-deg ahaa ee Dhakhtarku qaban karayey loo sameeyey, Dhiiggii la joojiyey baannu ugu tagnay. Hawshaasi intii ay socotay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Taliska Ciidanka Booliska-ba waannu war-gelinnay oo Wasiirka iyo Taliyaha-ba waannu ka wada soconnay hawsha.  Qolada dhinaca Itoobiya ka socotay ee Masuuliyiinta ahaa waxay codsadeen in lagu wareejiyo labadaa Askari, maaddaama oo dhibta iyo dhaawaca-ba uu qabo Askarigoodu, Dhakhtarkuna uu sheegay inaanu qaban karin Dawaynta uu u qabtay wax ka badan in la siiyo, sidaas ayaannu Annaguna Xukuumadda dhexe ula socodsiinnay.”

Sidoo kale, Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Gabiley Axmed Maxamed Guutaale oo ka warramay geestiisa sida wax u dhaceen, waxa uu yidhi; “Qasaaruhu waxa uu ahaa labada Askari mid baa dhaawacmay oo aan filayo inuu Jabniin ahaa, labadii Qori ee ay wateen iyo labadii Askari-ba waannu ku wareejinnay Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya wadahadal Madaxda Killalka iyo Somaliland dhex-maray ka dib, si wanaagsan baannu ugu wareejinnay. Qaladkuna mar walba wuu dhacaa, laakiin, waxaa Foolka lahaa Askartaa Liyuu Booliska Itoobiya ka tirsan ee Xuduudda u soo tallaabay ee baadhashada samaynayey.”

COMMENTS
Latest News