Yoolnews.com
Taariikh Nololeedkii Abwaankii Somaaliyeed Maxamuud C/laahi Ciise Sangub
February 13, 2017 - Written by admin

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Sangub)

Wuxuu ku dhashay baaddiyaha magaalada Dhagax-buur, ee dhulka dawlad deegaanka soomaalida itoobiya, sanad taariikheedkii 1944-ti, halkaas oo uu ku soo barbaaray.

Isagoo shan jir ah ayuu billaabay xiisaha suugaanta. Dhallinyaranimadiisii wuxuu aad ugu soo caanbaxay ciyaaraha gobalkaasi loogu jecelyahay ee dhaantada loo yaqaanno, taasoo uu aad u xalladayn jiray laguna tixgalin jiray.

Intaasi waxaa u sii dheerayd gabayaanimo uu ka hidda raacay ehello kala duwan oo xagga aabbihiis ka soo aroora iyo kuwo xagga hooyadiis ka soo jeedaba oo gabyi jiray. Waxaana tusaale, xagga hooyadiisa ladhashay oo abwaniinta ugu caansan ee soomaalida ka mid ahaa, Muxumed Xayd (Aflow). waaninkuu AUN Cabdullaahi Suldaan Timacadde ku hal-qabsaday ee dhihi jiray “Mudanihi Aflow iyo sidii muxumed maw yeedhshay””.

Sanadii 1961-dii isagoo barbaar ah ayuu tagay magaalada Hargaysa, markaas idaacadda radio Hargaysa ayuu imtaxaan u galay, sidaas ayuu ugu hawl galay Radio Hargaysa isagoo ugu shaqayn jiray si aan rasmi ahayn.

Inuu fanka reermaalnimo iyo idaacadahan ku soo wareego waxaa garab ku siiyay nin Allaha u raxmee la odhan jiray Huryo iyo nin madax ka ahaa Radio Hargaysa oo la odhan jiray Xaaji Cabdi Ayuub.

Isla sanaddaas 1961-di ayuu u wareegay magaalada Muqdhisho, halkaas oo ay Radio Muqdisho imtaxaan u galeen 21 qof oo uu isagu ku jiro, ayna ka soo bexeen laba qof, isaga oo gabayga loo qaatay iyo sheekh qur’aanka akhriskiisa loo qaatay. Waxaana imtaxaanka ka qaday:
Cali cilmi Afyare
Cismaan kaahin iyo
Fiqi Buraale. Sidaasna wuxuu shaqa rasmi ah uga billaabay idaacadda Radio Muqdisho.

Markuu magaalooyika Hargaysa iyo Muqdisho tagay, wuxuu aad ula yabay farqiga u dhexeeya dhaqanka miyiga iyo kan magaalada, isagoo la sii yaabay siday gabdhahan magaaladu u dhaqmaan iyo siday kuwa miyigu u dhaqmaan. Gabayadii imtaxaanka lagaga qaadayna waxay ku saabsanaayeen ummuurahaas kala duwan ee uu arkay. waana kan gabaygii ugu horreeyay ee lagu qaatay:

“Habluhu waagi hore waaki ay hadal yaraayeene”
“Waayagii harraadkiyo dhibtiyo hawsha kululaaye”
“Waa ti lagu hawoon jiray intii hadhac la waabtaaye”

tudacyadaasaa ka mid ahaa, gabayadii imtaxaanka lagaga qaaday.

Waxyaabihii San-gub uu ka faa’idaystay intuu muqdisho tagay waxaa ka mid ahaa Lahjadihii kala duwanaa ee goballada konfureed iyo kuwii waqooyi ee Hargaysa.
Waxyaabaha uu ummadda u soo kordhiyay, waxaa ka mid ah:

Riwaayadaha kala ah.

“Naga guur”
“La mood noqonse wayday” sanadii 1964-tii.
“Yaxaas dhaga-dhuub””. sanadii 1966-dii.

“Qabrigii jacaylka”
“Jacaylki xuudku laqay”
“Xuskii jacaylka” sanadii 1970.

“Xorriyo nin gayaa ha guursado”
“Gari ma kaa baxdaa”
“Ummad wada qooqan baan wax u qaybi leeyahay”
“Qabyo”
“Ambiil ma leh”
“Halki qoontu ku taallay dakharkii qali waa”
“Sanka bura ku taallay sidee baan ku yeelaa”. sanadii 1990. iyo kuwa kale oonan qorin.

Waa ninka ugu riwaayada badan soomaalida.

Xagga riwaayadaha iyo samayntooda waxaa la sheegay inuu ka soo laylis qaatay oo lagu soo tababaray, waxana gacanwayn ka siiyay waaya aragnimadiisi Allaha u naxariisteed nin la odhan jiray Cismaan askari.
Dhanka Heesaha.
Heesaha ugu caansan ee nooc kastaba leh.

“Gaasiray ennaga yaayna kala guraya”
“Alla walalac beeney”
“Waan arkaayoo sheegi mayo”
“Wallee dheehoy, dhaaxaad olashaye, waa lagaa dhalin”
“Ninki dhoof ku yimid bay geeridu dhibaysaa”
“Nin ku ray wax kuu sheeg” iyo kuwa kale oo badan.

Dhamaad….

COMMENTS
Latest News