Faa’iidooyinka Caafimaad Ee Digirta Iyo Lowska
January 30, 2017 - Written by admin
Digirta waxa lagu tilmaamaa inay ka mid tahay firilayda ugu wanaagsan raashinka. Waxa ay hoos u dhigtaa heerka subagowga dhiigga, waxa ay ilaalisaa sonkorta dhiigga iyo shaqada Insuliinta, waxa ay siyaadisaa caafimaad-qabka habka qashinsaarka iyo ugu dambayntii waxa ay ka hortagtaa ama yaraysaa halista cudurka Kansarka.
Haddii aad ka fekerto inuu jidhkaagu helo barotiin, macdanaha jidhka ka ilaaliya sumowga waxaad markiiba haddii aad taqaan maskaxdaada ku soo dhacaya dhammaan cunnada firilayda ah, hilibka iyo khudaarta. Laakiin waxa la isku raacay in digirtu ay ka kooban tahay dhammaanba waxtarka kor lagu sheegay.
Qiimaynta tijaabooyin la sameeyey ayaa lagu ogaaday inay digirtu kala tacaasho unugyada jidhka in cudurka kansarku ku samaysmo iyada oo unugyadan loo diidayo inay tarmaan, waxa kale oo ay hoos u dhigtaa koritaanka baraha iyo finanka waaweyn ee maqaarka dibadda uga soo baxa.
cilmi-baadhayaal ka tirsan Harvard School of Public Health ayaa baadhitaan ay sameeyeen ka dib ku sheegay in dumarka ugu yaraan todobaadkii laba jeer isticmaala firilaydan ay 24% uga badbaadi karaan inay jeeshaan kansarka naasaha ku dhaca. Darsin daraasado ah oo hore loo sameeyey ayaa digirta ku xidhiidhiyey inay hoos u dhigto halista cudurka wadnaha, macaanka nooca 2aad, dhiig-karka iyo cudurka kanskarka ee ku dhaca naasaha iyo malawadka.
Waxa ay ka kooban tahay xaddi molokuyuulo ah oo ka hortaga sumowga kaas oo ka hortaga waxyeellada dibadda kaga imanaysa jidhka, iyada oo aynu ka helno barotiin iyo ayroon (bir). Waxa kale oo ay ka kooban tahay maadada tryptophan oo inaga caawisa inay qaabayso rabitaanka cunnada, baahida qofku u qabo inuu helo hurdo ku filan iyo sidoo kale inay horumariso xaaladda maskaxeed ee qofku ku sugan yahay. Waxa kale oo ay leedahay maaddada Folate oo qayb muhiim ah ka ciyaarta caafimaadka wadnaha.
Dhanka kale, qaabka isku-daawaynta ee Shiinaha marka la eego, digirta noocyadeeda kala duwan waxa loo isticmaalaa in qofka lagaga daweeyo maan-dooriyeyaasha, sumawga cuntada ku dhaca, dhiig-karka, shubanka, dhagxaanta kelyaha ku jira, roomatiisamka (Jilba xannuunka) iyo daraasin kale oo xannuuno ah
Sidoo Kale Waxa aynu halkan ku soo koobi doonaa shan faaiido oo digirtu u leedahay jidhka bini aadamka ah
Digirta oo marka la kariyo Soomaalida qaarkood u taqaano Canbuulo, waxaa lagu sheegay faa’iidoyin cajiib badan oo caafimaadka iyo horumarka jidhka bini aadimka qeyb weyn ka qaadata.
Waloow ay Soomaali badan caado u tahay cunista digirta isla markaana ay dalaga ay beertaan ugu horeyso, halka qaar kalena ayba dhankooda caay ka tahay, hadana waxaa lama huraan ah in bulshadu ogaato loona iftiimiyo faa’iidooyinka qarsoon ee digirtu leedahay, hadii uu qofku ogaan lahaana uu joogteyn lahaa ugu yaraan todobaadkii3 jeer.
Hadaba warbixintaan oo ah daraasad caafimaad isla markaana aan kasoo xiganay wargeyska livestrong.com ayaan isku dayi doonaa in aan soo koobno wax yaabaha ugu muhiimsan uguna faa’iidada badan ee digirtu u leedahay dadka daneeya caafimaadkooda iyo horumarka noloshooda.
1- Digirta waxaa ku jira Vitamins iyo Minerals kuwaasoo ah laba shey oo ka mid ah rukniyada jidhku ku shaqeeyo, waxaa gaar ahaan digirtu qani ku tahay Vitamine B, kaasoo dhiiga cas iyo hagaajintiisa qeyb weyn ku leh.
2-Digirtu waxey qani ku tahay Fiber, kaasoo howlihiisa ay ka mid yihiin isku socodka iyo u qeybinta jidhka cuntada uu qofku cuno.
3- Digirtu waxey qani ku tahay Protein baruur la’aan ah, taasoo la macno ah in aad heleyso Protein kugu filan adigoo jidhkaaga wax baruur ah aysan kusoo kordhin.
4- Digirtu waxey sidoo kale buuxin kartaa booska khudaarta iyo Fruits-ka.
5- Digirtu waxey yareysaanaaxitaanka: hadii aad hilib leedahay oo aad digirta ka dhigato qeyb muhiim ah oo raashinkaaga ka mid ah waxaad dareemeysaa hoos u dhac, hadii aadan marka horeba buurneyna waxaad ahaaneysa qof jidhkiisu Protein iyo Calories ku filan helo isagoo aysan jirkiisa ku saa’idin duhunta iyo cadiinta (baruurta)
Faa’iidooyinka Lowska:
Khubarada nafaqada qaarkood ayaa waxay yidhaahdaan inay ku filan tahay in dadku isticmaalaan lixdan garaam(60gm) oo lows ah maalintii. Waxa sido kale ay sheegtay khuburadani in cunista lowsku uu ka ilaaliya jidhka qofka in uu haleelo xanuunka macaanka ( diabetes), cudurada wadnaha iyo kuwo ku dhaca halbowlayaasha wareegga dhiigga iyo waliba kor u kaca xanuunka cholesterol-ka.
Midhaha lowska ayaa waxa la aaminsan yahay inay yihiin wax yaabaha bani aadanku cuno kuwo ugu faa’iidada badan xaga caafimaadka bani’aadanka. Bani aadanka ayaa waxa ay geedkan ogaadeen afar kun oo sano ka hor xili hada laga joogo oo isaga laga helay deeganada ku teedsan xeebaha Mediterranean ka ee kuyaal Italy, Spain, Morocco, iyo Bariga Dhexe.
Dadyowgii hore ee daganaa meelahan ayaa ku tiirsanaa cunista lowska oo isagu ahaa cuno dhamaystiran , sababtoo ah waa cuno aad qani ugu ah protein (19% protein ka miisaankiisa) sabab too ah waxa uu keena dareen dhereg ah.
Midhaha lowska waxa ay hodan ku yihiin acidka dufanka leh ee caafimaadka ah, dufankiisuna maaha kan caafimaadka waxyeela. Daraasadu waxa ay sheegtay in dufanka lowsku yahay sida saliid saytuunka ,oo uunan qofka u keenayn buurni.
Lowsku waxa uu siiyaa jidhka bani’aadanka dufan aad u badan oonan ahayn kan caafimaadka u xun iyo macdamaha sida magnesium, calcium, copper, iyo vitamin da, “B” iyo ”J” oo le faa’iidooyin xad-dhaaf ah .Waxa kale oo uu lee yahay lowsku vitamin B1 oo isagu xoojiya awooda dareemayaasha, iyo vitamin “B2? oo isagu unugyada jidhka ku xoojiya tamar.
Dadka qaar kamid ah waxa ay yidhaahdaan cunista lowska mudo afar bilood ah waxa uu ka ilaalinayaa jidhka qofka xanuunka macaan ka (diabetes), sababta ah lowsku waxa uu wanaajiyaa heerka maadada insulin-ta. Laakiin waxa ay u baahan tahay bay yidhaahdeen shan meelood meel waa in uu noqdaa protein ku mid kamiyaada lowska maalintii porteinka uu bani’aadanku qaato, kaasoo u dhigma 60 ilaa 80 garaam sida uu sheegay website ka ”Tsentröm monastery Gazondhayt” ee Jarmalka ah.
Waxa sido kale qaar kale ay sheegeen in qofka raba in uu maamulo heerka cholesterol-ka ee dhiiga lagula talinayo in uu cuno lowska,isaga oo waliba loosku wanaajiyano heerka dhumucda lafaha, iyada oo taasi aynan keenayn korodhka culays dheeraad ah ama buurni.